Video:-kagame oo cod Aqlabiyad leh ku guulaystay Doorashadii Madaxtooyada Rwanda

Taageerayaasha Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame, ayaa bilaabay inay dabaaldegaan kaddib markii lagu dhawaaqay inuu mar saddexaad si weyn ugu guulaystay inuu xilka sii hayo.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in natiijada hordhaca ah ee doorashadii madaxtinimada ee Jimcihii uu Mr Kagame ku guulaystay boqolkiiba 98 cododkii la dhiibtay, taas oo ay kula tartamayeen laba qof oo aanan sidaa loo aqoon.

Kagame ayaa xilka hayay 17-kii sano ee la soo dhaafay.

Taageerayaashuna waxa ay ku amaaneen in dalka uu ku soo dabaalay xasilooni, dhaqaalahana uu horumariyay kaddib xasuuqii 1994-kii.

Hasayeeshee dadka ka soo horjeeda oo intooda badan ku nool dalka dibaddiisa ayaa waxa ay ku eedaynayaan inuu dalka ku xukumo cabsigelin iyo caburin uu ku hayo dadka isaga ka soo horjeedo,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 
%d bloggers like this: