Video:-Rohani oo markale loo dhaariyay Madaxweynaha IRAN

Madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaani, ayaa xaflad ka dhacday magaalada Tehran waxaa loogu dhaariyay xilka madaxtinimada markiisii labaad.

Tobannaan marti sharaf ah oo ka kala timid caalamka ay xafladdaasi joogtay waxaa ka mid ah madaxa siyaasadda dibadda ee Midowga Yurub, Federica Mogherini, taas oo muujinaysa in la dabciyay go’doomintii lagu hayay Iiraan kaddib markii ay 2015 heshiis la gashay quwadaha caalamka.

Mr Ruuxaani ayaa bishii May ku guulaystay doorasho ay kula tartamayeen koox mayal adag oo mucaarad ah.

Madaxweyne Rouhani wuxuu rajeynayaa in uu riixo qorshihiisa isbadalka iyo casriyeynta isagoo isku dayaya in uu fuliyo rajooyinka ay qabaan ku dhawaad 24 milyan oo qof oo u codeeyey.

Wuxuu doonayaa in uu isbadal ku sameeyo dhaqaalaha laakiin taasi waxay ku jaan go’an tahay heshiiska nukliyeerka oo cambaareyn kala kulmay madaxweyne Trump,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka