Video:-Wasaarada Waxbarashada Puntland oo shaacisay Natiijada imtixaanada fasalka 8aad

05/Agosto/2017- Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee puntland ayaa qabatay munaasabad balaaran oo ay ka soo qayb galeen dhamaan masuuliyiinta wasaarada waxbarahsada iyo Tacliinta sare oo uu ugu horeeyo wasiirka wasarada Prof, Abshir Yuusuf Aw-ciise, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dr, Maxamed Cali Faarax, Agaasimaha Waaxda imtixaamaadka ee Wasaarada Axmed Maxamud Warasame iyo dhamaan Bahada Waxbarashada Puntland..
 
Ujeedada Munasabadan ayaa ahayd in la shaaciyo imtixaankii Fasalka 8aad Dugsiyadda Dhaxe ee Puntland.
Axmed Maxamuud Warsame agaasimaha waaxda imtixaaamaadka  oo ka hadlay marxaladihii uu soo maray imtixaanka maanta la shaaciyey wuxuu sheegay in sixitaanka imtixaankaan uu qaatay mudo bil ah loona xilsaaray macalimiin iyo khubaro aqoon durugsan u leh sixidda imtixaanaada, laguna bixiyey juhdi fara badan sidii arday walba u heli lahaa cadaalad ku salaysan aqoontiisa, gabagabadiina natiijadi maanta noqotay in lagu dhawaaqay.
sidoo kale Dr- Maxamed Cali Faarax Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa ayaa bogaadiyey qaabka wanaagsan ee waaxda imtixaanaadku ugu dadaashay una lafa gurtay soona saartay natiijo ku qotonta arday walba iyo aqoontiisa, wuxuuna sidoo kale bogaadiyey in tiradii ugu badnayd ee ka qalin jebisa dugsiyada dhexe ay sanadka ka qalin jebisay Puntland.
ugu damayntii wasiirka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare Prof- Abshir Yuusuf Aw-ciise ayaa soo gabagabeeyey war-saxaafadeedka wuxuuna u hambalyeeyey dhamaan ardadi sanadka ka qalin jebiyey dugsiyada dhexe ee Puntland, wuxuuna kula dardaarmay in ay sii wadaan wax barashada  dadaalkoodana sii laba jibraanaan,  sidoo kale wuxuu goobta ka akhriyey 10-kii arday ee ugu saraysay ee ka qalin jabisay dugsiyada dhexe ee Puntland.
wixii faahfaahin dheeri ah fadlan akhri warbixinta hoose

 

Warbixin kooban oo ku saabsan Imtixaankii fasalka 8aad 2016/2017

  1. Qorshaynta hawlaha

Sida caadiga ah waxaa la qorsheeyaa  Xafiiska Imtixaanaadka bisha Agoosto oo ah bilawga sannad dugsiyeedka Puntland iyadoo lala dhammaynayo dugsiyada. Haddaba bilaha uu ugu mashquulka badan yahay xafiisku ayaa ah Disember ilaa Julay ee sannad walba xilligaas oo ay dhacaan hawlaha ugu muhiimsan ee imtixaanaadku sida; dejinta imtixaanka, dib u habaynta, diwaangelinta ardayda, aruurinta kharashaadka imtixaanka, daabacaadda imtixaan, qaadista iyo sixidda, ku dhawaaqidda natiijada, raadinta deeqaha waxbarashao iyo qaybinta ardayda.

Sannadka 2017, wuxuu u ahaa sannad ay waaxda imtixaanaadku ku tallaabsatay horumar baaxad leh marka la qiimeeyo dhammaan hawlaha aan kor ku soo sheegnay oo u wada dhacay sidii loo qorsheeyay gaar ahaan marka la eego arrrimaha hoos ku qoran

  • Taboabaridda iyo sare u qaadida xirfadda sixidda imtixaanka.
  • Sare u qaadista iyo Xirfadaynta hawlwadeenada imtixaanaadka kormeerayaasha, ilaaliyayaasha, saxayaasha iyo dejiyayaasha imtixaanka.
  • Xoojinta xirfadda warbixinta, lafaguridda, iyo tarjumidda natiijada imtixaanka iyadoo la soo saarayo warbixinno kala duwan oo kala ah; warbixin farsamo, warbixin lafaguridda imtixaanka iyo warbixinta lafaguridda maadooyinka.
  • Ardayda Baahida Gaarka Qabta oo si dhab ah waaxda isugu hawshay in aanay ka harin safarka waxbarashada ha noqdaan indhoolayaasha, dhaawacyada, autosimka, umulaha iwm oo dhammaan ka mid ahaa dadkii sannadkan imtixaanka u fariistay.

 

Ardayda imtixaanka isu diiwaangelisay

Fariisatay Gudubtay Dhacday Maqan
Wiial Gabdho Wiilal Gabdho Wiilal Gabdho
5,215 3,585 4,629 3,110 527 425
8,800 7,739 952 109

 

Saamaiga gudbidda                                        =         88%

Saamiga dhiciida                                            =         11%

Saamiga maqnanshaha                                  =          1%

Saamiga gabdhaha gudbay                            =          35.3%

Saamiga wiilasha gudbay                               =          52.6%

 

  1. Falanqaynta natiijada ardayda

 

  1. Waxqabadka Maadooyinka (subject performance)
Maado 2015 2016 2017
Somali 64.01 52.43 71.76
Carabi 61.79 58.76 62.62
Saynis 71.09 72.93 55.02
Tarbiyo 72.79 65.35 57.73
C/bulsho 72.34 76.18 50.74
English 65.27 51.74 44.36
Xisaab 63.58 69.20 42.67

 

Sida ku cad shaxda sare waxaa muuqdata in maadooyinka xisaabta iyo Englishka celceliskoodku uu ka hooseeya 50% loona baahan yahay in laga qaado tallaabooyin degdeg ah oo wax looga qabanayo.

 

  1. Waxqabadka ardayda (student performance)
Sannad Gudbid Dhacid
2015 6985 176
2016 7263 379
2017 7740 950


Natiijo la baabi’iyay

waxaa la baabi’iyey natiiada arday lagu helay inay soo boodeen si khaldanna loogu soo diwaangeliyay imtixaanka fasalka 8aad 2017

 

Talooyin

  • Waxaa si is-dabajoog u soo kordhaya ardayda ardayda ka tallaabsanaysa heer ama labo heer ka dibna dhuumasho ku soo gelaya imtixaanka caamka taas oo badanaa ka dhacda magaalooyinka waawayn.
  • Si taas looga hortago, waxaan ku talinaynaa in la xoojiyo kormeerka iyo tayo dhawrka wasaaradda loona fududayn gudashada waajibaadkooda.
  • In la xoojiyo karmeerka goballada iyo degmooyinka laguna saleeyo xirfadda baridda iyo barashada kaliya, lagana hawlgeliyo dad aqoon u leh labadaa arrimood.

 

 

10 ka Arday ee ugu sarraysa imtixaanka Fasalka 8aad ee 2017

 

S/N RNo Magac Dugsi Grade Celcelis
1. P171462 Cadnaan Abdi Yasin Hersi  Imam Shafie 626.00 89.43
2. P170536  Mohamed Abdi Barre Waberi  Darul-Birr i(Bosaso) 624.00 89.14
3. P178369  Najmo Abdirisak Sahal Mohamud  Nawawi Garowe  623.00  89.00 
4. P175207  Luqman Abdikadir Ahmed Ali  Daru Salaam(Galk)  621.00  88.71 
5. P172469  Salman Said Jama Abdi  Ummul Qura  620.00  88.57 
6. P170798  Abdulahi Warsame Barre Said  Darul-Rahma(Bosaso)  618.00  88.29 
6 P173560  Abdirahman Yasin Abdirahman Yusuf  Abdiladif Bilal  618.00  88.29 
7. P177610  Amira Ali Salah Adan  Dawad Garowe 618.00  88.29 
8. P178318  Ali Abdullahi Ali Said  Nawawi Pr Gr  617.00  88.14 
9. P171503  Mohamed Mubarak Farah Mohamud  Imam Shafie  614.00  87.71 
9 P177445  Aisha Abdi Abdullahi Farah  Darwiish Garowe 614.00 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka