Video:-Wasiir Xoosh oo raaligalin bixiyay iyo Baarlamaanka oo aqbalay raaligalintiisa

Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta hortagay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, waxa uuna Wasiirka raali galin ka siiyay Xildhibaanada hadaladii uu ku qoray Barta uu Twitterka ku leeyahay.
 
C/raxmaan Xoosh Jibriil oo hortagay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadal uu u jeediyay kaga dalbaday in ay raali ka noqdaan ayna cafiyaan, waxa uuna Baarlamaanka u sheegay in uu ka xun yahay qoraalkii uu soo bandhigay bartiisa Twitterka.
 
Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa raali galinta Wasiirka kadib waxa ay sheegeen in ay ka aqbaleyn, waxaana Wasiirka loo sheegay in uu u fasaxan yahay in shaqadiisa uu qabsado lana soo afjaray kiiskiisa.
 
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka carooday hadalkii kasoo yeeray Wasiirka Dastuurka uu uga hor yimid go’aankii ay ka gaareen 8-da Xubnood ee Baarlamaanka katirsan ee Maxkamada sare ee dalka Doorashooda diiday.
 
Madaxda ugu sareysa dowlada Soomaaliya ayaa labadii habeen ugu dambeeyay waday dadaalo lagu qaboojinayay xiisada ka dhalatay hadalka Wasiirka, waxa ayna Madaxda inta badan ku guuleesteen in lakala fur furo Xildhibaanada doonayay in Wasiirka xilka ka qaadaan,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka