Akhriso:-Hordhaca Liiska cusub ee Golaha Wasiirada Puntland ee la filayo in maanta la shaaciyo

Golaha Wasiirada Puntland oo laga sugayo in Madaxweyne Gaas magacaabo maalmaha soo socda ayaa Ilo muhiim ah waxay shegayaan in inta badan golihii hore ee Wasiirada ay dib u soo laaban doonaan,halka kuwa kooban xilka waayi doonaan ama Wasaaradahooda laysku badali doono.
 
Waxaa adag in la ogaado magacyada saxda ah ee wasiirada cusub madaama liiska golaha cusub madaxweynahu gacanta ku hayo si joogta ah isu badalayo taasna waxaa keenaya culeysyada kaga imaanaya madaxda qabaa’ilada iyo xildhibaanada.
 
Hadaba Liis hor dhac ah oo aan rasmi ahayn oo ay heshay idilnews ayaa uqoran sidatan:-
 
1.Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Maxamed Faarax Salaad.
 
2.Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdulaahi Shiikh Axmed.
 
3.Wasiirka Arimaha gudaha iyo dawladda hoose Cabdirashiid Maxamed Xirisi.
 
4.Wasiirka Hawlaha guud iyo Gaadiidka Axmed Cilmi Cismaan (Karaash).
 
5.Wasiirka Caafimaadka Dr Cabdinaasir Cismaan Cuuke.
 
6.Wasiirka Kaluumaysiga Cabdi Xirsi Cali Qarjab.
 
7.Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamigaa Shire Xaaji Faarax.
 
8.Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdiweli Xirsi Cabdulle Indhoguran.
 
9.Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka badda Siciid Maxamed Raage.
 
10.Saalax Xabiib Xaaji jaamac WasiirkaCadaalada,diinta iyo dhaqancelinta
 
11.Cabdulaahi Timacadde Wasiirka Amniga.
 
12.Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Abshir Aw Yuusuf Ciise.
 
13.Wasiirka Wasaarada Beeraha Biindhe.
 
14.Wasiirka Haweenka iyo Qoyska Anisa Xaaji Muumin
 
15.Wasiirka Duulista iyo Hawadda Dhaqaaje.
 
16.Wasiirka Deegaanka Cali Cabdulahi Warsame.
 
17.Cabdiraxmaan Barkhad Warsame, Wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha iyo Dhaqanka.
 
18.Cabdikhadar Faarax Shaaciye, Wasiirka Dib Udhiska Iyo Horumarinta.
 
19.Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Cabdirxmaan Shiikh Axmed.
 
 
Xogtan mahan guud ahaan Golaha Wasiirada ee la filayo.
Xusulduubka loogu jiro kamid noqoshada golaha Wasiirada cusub ayaa heerkii ugu sareeyey maraya iyadoo magalaada Garowe hoteladeeda loosoo buux dhaafiyay.