Dhagayso:-Xubin ka mid ah Mucaaradka jabuti oo ku geeriyooday Xabsiga jabuti

Xubin ka tirsan Guddiga xuquuqda aadanaha ee Jabuuti ayaa maanta u sheegay in uu geeriyooday maxbuus ka tirsanaa mucaaradka jabhadda FRUD oo muddo sannado ah xabsiga ku jiray.
 
Maxamad Axmed Jabha ayaa wararku sheegayaan in uu dhintay maalintii Talaadada balse maanta uun la shaaciyay.
 
Warar hordhac ah oo la isla dhexmarayey ayaa sheegayey in uu ku dhintay Xabsiga inkastoo maanta Guddoomiyaha Guddiga dawladda Jabuuti ee xuquuqda aadanaha Saleebaan Cumar Cudin ayaa sheegay in uu Isbitaalka ku geeriyooday.
 
Saleebaan Cumar Cudin ayaa waraysi uu siiyey laanta Afka Somaliga ee VOA ayaa ka hadlay geerida Xubinta Mucaaradka jabuti,hoos ka dhagayso codka Gudoomiyaha.

 

 

 

 

 

Halkan ka dhagayso codka Gudoomiyaha Xuquuqul insaanka