Hay’adaha Sirdoonka Maraykanka oo baaraya weerarkii masjidka Darul-Faruq

Hay’adda danbi-baarista Mareykanka ayaa sheegtay in ay bilowday baaritaan ku saabsan qarrax aroornimadi hore ee shalay (Sabti) lala beegsaday masaajidka Darul-Faruq ee magaalada Bloominton ee gobolka Minnesota.
 
Muslimiinta iyo dadka heysta diimaha kale ee dagan magaalada Bloomington ayaa shalay isugu yimid banaanka masaajidka, halkaas oo ay si wada jir ah ugu cambaareeyeen qaraxi loo geystay masjidka.
 
Weerarada salka ku haya islaam naceybka ayaa ku sii kordhayey dalka maraykanka tan iyo markii xilka Madaxweynaha dalkaas loo doortay Donald Trump oo intii uu ku jiray oloihiisa doorashada sameeyey balan-qaadyo ka dhan ah muslimiinta.