Video:-Jawaari oo udigay kuwa qoraalada been abuurka ah soo dhiga baraha Bulshada

Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in ay uga digayaan mas’uuliyiinta dowladda iyo shacabka intaba in warar daacayad ah laga faafiyo sida uu hadalka u dhigay xildhibaannada Qaranka.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali doonin in meel looga dhaco sharafta iyo xasaannada xildhibaannada Qaranka iyo guddoonka gollaha shacabka intaba.

‘’Wixii hadda ka danbeeya waa lala xisaabtami doonaa cid kasta oo warar been abuur ah ama daacyad ka faafisa xildhibaannada Qaranka’’ ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka.

Prof Jawaari ayaa sheegay in xildhibaannada baarlamaanka gudanayaan waajibaadkooda Qaran ee Dastuuriga ah, balse aysan jirin wasiir iyo xukuumad ay duulaan ku yihiin.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa baraha bulshada waxaa la soo dhigaayay qoraalo lagu muujinayo in golaha shacabka ay doonayaan in ay xilka ka qaadaan wasiirka dastuurka sidoo kalena ay mooshin ka keenaan xukuumada.\

Digniintan uu jeediyay guddoomiyaha baarlamaanka ayaa imaneysa xili maalintii shalay wasiirka dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jabariil uu raali galin ka bixiyay qoraalka uu dhigay boggiisa Twitter -ka kaasoo khilaaf ka dhax abuuray mudanayaasha baarlamaanka,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka