Dhagayso:-Ragii dilay Khalar Ismaaciil oo gacanta lagu dhigay iyo Taliska Booliska Bari oo ka hadlay dilka

Talyaha qaybta booliska gobolka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen oo ka hadlay dilkii duhurnimadii maanta kadhacay magaalada Bosaaso ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay ragii ka dambeeyey dilkaasi.

 
Waxaa uu sheegay soo qabashada inay gacan ka gaysteen odayaasha dhaqanka , ayna hayaan cadaymo ku filan raga lasoo qabtay inay falkaan gaysteen.
 
 
Khalar Ismaaciil oo horay usoo noqday guddoomiye kuxigeenka gobolka Bari ayaa maanta lagu dilay Bosaaso iyadoona marxuumka uu horay uga soo shaqeeyey arimaha amaanka gobolka Bari,hoos ka dhagayso codka Talyaha.

 

 

 

Halkan ka dhagayso codka Talyaha