Madaxweyne Faroole oo looga adkaaday Doorashadii Gudoomiyaha gudiga dib u eegista Dastuurka Fadaraalka

mid ka mid ah Hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho ahaana  kii ugu naxariista darnaa,isla markaana ahaa xasuuqe caanka ku ahaa xasuuqa shacabka Somaliyed Cabdi Xasan Cawaale(Qeybdiid) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka.
 
Qeybdiid ayaa doorasho la galay madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole, waxayna guddiga doorashada ay sheegeen in Qeybdiid uu ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka oo ka kooban labada aqal ee Baarlamaanka Fadaraallka Soomaaliya.
 
Cabdi Qeybdiid ayaa helay 6-cod halka Madaxweyne faroole uu ka helay 4-cod.
 
Waa arin waji gabax ku ah Madaxweyne faroole markii laga eego dhinacyo badan.
 
Dhanka kale dib u eegista Dastuurka Fadaraalka ee la qorshaynayo ayaa waxaa hada soo wajahay walwal madaama mid ka mid ah hogaamiye kooxeedyadii xasuuqa shacabka caanka ku ahaa loo doortay Gudoomiyaha Gudiga dib u eegista Dastuurka.