Video:-Daawo Wasiirada cusub ee Dawlada Puntland oo isla maanta la dhaariyay

Waxaa Maanta gelinkii danbe 07 August 2017 lagu dhaariyey Qasriga Madaxtooyada Garoowe 38 Wasiir, Wasiirru Dawlayaal iyo Wasiir Ku-xigeeno oo kamid ah golihii Wasiirada Dawladda Puntland ee maanta  Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas magcaabay.

Munaasibadda Dhaarta ayaa waxaa goob joog ahaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland iyo saaraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhaarta kadib la dardaarmay dhammaan Wasiiradda Cusub, waxaana uu Madaxweynuhu kula dardaarmay in ay garawsadaan in xilalka loo igmaday yiihin kuwo u jeedkoodu yahay inay ugu adeegaan shacabka Puntland, isla markaana ay ka dhabeeyaan hiigsiga iyo himiladda Dawladda Puntland geediga ku tahay inay gaadho, isla mar’ahaantaana ay ugu adeegaan Diintooda, Dalkooda iyo Dadkoodaba.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kubooriyey Golaha Wasiirada Cusub ee la dhaariyey inay ka fogaadaan wax kasta oo shaqadooda xumaynaya, isla markaana ku dedaalaan sidii ay uga gun-gaadhi lahaayeen dardargelinta iyo dhamaystirka hawlaha shaqo ee horyaala masuul kasta oo kamid ah Wasiiradaasi, waxaana uu Madaxweynuhu Xasuusiyey golaha in dawladda Puntland ku dhisan tahay u adeegidda shacabkeeda, sidaasi daraadeedna loo baahan yahay in fiira gaar ah loo yeesho rabitaan shacabka Puntland ee jecel horumarka iyo dawladdoodaba.

Ugu Danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa golaha xasuusiyey in  Puntland maanta horumar xilaadle ka socdo, kaasi oo salka ku haya horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland, waxaana uu hoosta ka xariiqay Madaxweynuhu in uu  ku hirgalay horumarkaasi  halku dhigii ‘’Puntland Ha Isku Tashato’’ taasi oo u jeedkeedu ahaa in shacabka iyo Dawladda Puntlandba iska kaashadaan wax kasta oo horumarin ah, caqabad ah, cadaw ah, xasiloonida iyo sugitaanka Amniga Puntland,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka