Fadhigii Baarlamaanka Somaliland oo xabadi ka bilaabatay iyo Gudoomihii shalay la doortay oo dhaawac ah

Buuq iyo gacan ka hadal ayaa ka dhashay fadhigii Baarlamaanka Somaliland, maalin kaddib doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka loogu doortay Baashe Maxamed Faarax.

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland ayaa waxaa dhex maray gacan ka hadal ka dhalatay buuq ka dhashay natiijadii doorashadii dhacday Axadii la soo dhaafay.

Wararka ayaa sheegaya in rasaas laga maqlay gudaha xarunta Baarlamaanka Somaliland, iyadoo markii dambe ay deg deg u soo fara geliyeen Ciidamada Booliska, kuwaasoo la wareegay ammaanka Xarunta.

Darawalka Xildhibaan Koore ayaa lagu eedeeyay inuu rasaas furay, taasoo uu ku dhaawacmay Xildhibaan lagu magacaabo Nacnac.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland uu isna dhaawac kooban uu soo gaaray.

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliland ayaa waxaa ka dhex bilowday khilaaf ka dhashay doorashadii axadii la soo dhaafay uu ku guuleystay Baashe, hase ahaatee ninkii la tartamayay C/raxmaan Tayanle uu sheegay inuu yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, kaddib markii uu sheegay in la is daba mariyay codeyntii dhacday, isagana uu xaqiiqo u haayo cododka uu helay.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa la wareegay ammaanka xarunta Golaha Wakiilada, waxaana ay xireen Xildhibaan Koore iyo Darawalkiisa.