Sawiro:-Gaalkacyo oo markii ugu horaysay Taariikhda yeelatay Boolis isku dhaf ah

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ciidamo isku-dhaf ah oo ka kala yimid Waqooyiga iyo Koonfurta Mudug ama Puntland iyo maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado ayaa maanta loosoo xiray tababar in mudo ah uga socday Gaalkacyo.
 
Mas’uuliyiin fara badan oo ugu horeeyo Madaxweyne xigeenka Puntland mudane Camey,Talyaha Booliska Fadaraalka,Talyaha Booliska Puntland,saraakiil ka socotay AMISOM iyo Qaramada Midoobey,Ku xigeenka Xaaf ee maamulka Cadaado ayaa kasoo qaybgalay munaasabada.
 
Camey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa sheegay in muddo lix bilood ah ay bixin doonaan mushaaraadka ciidamadan,waxuuna ku booriyay Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka in ay lixdaa bilood gudahood ku soo diyaariyaan mushaaraadka ciidamadan oo ay balan qaadeen.
 
Tababarkan oo ay bixinayeen tababarayaal ka socotay AMISOM ayaa waxaa sidoo kale  taageerayay laanta booliska ee Qaramada Midoobay ,askartan oo iskugu jirta rag iyo dumar ayaa tiradoodu gaaraysaa 50 askari.
 
Aas-aaska Ciidamadan ayaa ah talaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka adkaynta amaanka Gobolkan muhiimka ah ee Mudug.
 
Gaalkacyo waxay la dalaa dhacaysa amni xumo,cabsi joogta ah oo ku keentay in Ganacsatadii iyo aqoonyahankii Gobolka u dhashay ay ka qaxaan oo magaalooyin kale nolol ka abuurtaan.
 
Shacabka Gobolka ayaa si weyn usoo dhaweeyay Aas-aaska Ciidamadan oo la filayo in ay bilaw unoqdaan amaanka Gobolka oo isbadala.