Sawiro:-Puntland iyo Ganacsatada Gobolada dhexe oo heshiis ganacsi wada gaaray

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 08 August 2017 kulan Qado sharaf ah u sameeyey ganacsato Soomaaliyeed oo ka kala yimid 12 degmo oo ka tirsan gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Munaasibadda qado sharafta ah oo ka dhacday xarunta dhaqanka iyo dalxiiska ee Hiddo Raac Garoowe ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Ganacsatadan Soomaaliyeed ee ka kala timid 12 ka degmo ee ka tirsan golbolada dhexe ee Soomaaliya iyo Guddi Wasiiro ah oo Madaxweynaha Dawladda Puntland u xilsaaray wadda hadalada Puntland iyo ganacsatadaasi ayaa maanta wada hadal  kadib soo saaray qodobo is afgarad heshiis ah, kuwaasi oo salka ku haya taabagelinta Shillin Soomaaliga iyo guud ahaan horumarinta ganacsiga ee u dhexeeya Dawladda Puntland iyo goboladda dhexe ee Soomaaliya, qodobadda heshiiska ayaa ka kooban sideed qodob oo kala ah sidan.

  1. In lacagta shillin Soomaaliga ah dhammaateed sidii hore u shaqayso,marka        laga reebo lacagta been abuurka ah iyo midda aan lahayn tayyadii lacageed ee loo baahnaa.
  2. si loola socdo dhaqdhaqaaqa lacagaha, wixii ka badan 50,000,000 Sh. So,  (konton milyan), waxaa la marinayaa Bangiga Dawladda Puntland.
  3. Waxaa lagu heshiiyey in sarifka lacagta lagu ilaaliyo halkii doolarba sideed iyo labaatan kun ( 28, 000 Sh. So).
  4. Gaariga lagu haystey Gaalkacayo waxaa lagu sii daynayaa shuruud la’aan kharashka hawsha gaarigaas ku baxayna sidii ay hore uga heshiiyeen waxaa bixinaya Dawladda Puntland iyo Galmudug.
  5. Dawladda Puntland waxay gaadiidka badeecadaha u wada gobolada dhexe ee Soomaaliya ( transit goods) ka cafisay lacagta dejinta ee lagu qaadi jirey kastamka Gaalkacayo.
  6. Waxay Dawladda Puntland u fududaynaysaa gaadiidka badeecadaha u wada gobolada dhexe ee Soomaaliya safarka, waxaa reeban in gaadiidka raran lagu xayiro Kastamada Puntland, waana in saraakiisha Kastamada Puntland si hufan u gutaan waajibaad kooda,

wakhtiga shaqada loogu talagalayna ay socoto.

 

  1. Waxaa la isla gartay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii dib loogu furilahaa waddada laamiga ah ee isku xirta dalka ee ka xiran dhinaca koonfureed ee Gaalkacayo.
  2. Dhammaan qodobada kor ku xusan waxaa lagu samaynkaraa dib u eegis markii loo baahdo.

 

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay is afgaradkani heshiis ayaa sheegay in uu tageerayo, isla maraana ayidayo is afgaradkaasi, waxaana uu Madaxweynuhu si gaara u bogaadiyey qodobada heshiis ee ku saabsan lacagta shili Soomaalig, taasi oo madaxweynuhu ku timaamayu in tacagtani tahay midda keliya ee dalkeenu leeyahay.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa cadeeyey in Puntland diyaar u tahay  horumarinta iyo wax wada qabsiga ganacsiga ka dhexeeya Puntland iyo gobolada dhexe ee Soomaaliya, isla markaana ay Dawladda Puntland ka go’an tahay wax ka qabashada caqabad walba oo lid ku ah ganacsiga Puntland iyo gobolada Dhexe.

Ugu Danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa faray, amrayna dhammaan shacabka iyo shaqaalaha dawladda Puntland in siday tahay loo qaato loona dhaqan geliyo qodobada laysla qaatay laykuna af-gartay.