Sawiro:-Xubno ka mid ah Wasiirada Puntland oo maanta la dhaariyay

Waxaa Qasriga Madaxtooyada Garoowe maanta 08 August 2017 lagu dhaariyey todoba Wasiir oo isugu jirey Wasiir, Wasiirru Dawleyaal iyo Wasiir Ku-xigeeno, kuwaasi oo kamid ah Golaha Wasiirada Cusub ee Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Magcaabay.

Munaasibada lagu dhaarinayey Wasiirada ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Masuuliyiin ka tirsan Maxkamadda Sare ee Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda dawladda Puntland.

Wasiirada, Wasiirru Dawlayaasha iyo Wasiir Ku-xigeenada maanta loo dhaariyey xilaalkaasi ayaa waxaa kamid ahaa.

  1. Cabdi Xirsi Cali Qarjab Wasiirka Warfaafinta Boostada, Dhaqanka  iyo
    Isgaadhsiinta
  2. Cabdiweli Maxamed Yuusuf Wasiirru Dawlaha Wasaaradda Amniga iyo
    DDR-ta
  3. Maxamuud Faarax Beeldaaje Wasiirru Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda
  4. Cabdiraxmaan Cabdi Ismaaciil Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda
    Dastuurka iyo Arrimaha Fadaraalka
  5. Cabdirisaaq Nuur Cumar Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo
    Gaadiidka Badda
  6. Maxamuud Ciise Xaaji Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka,
    Dalxiiska iyo Duurjoogta.
  7. Cabdirisaaq Shire Ismaaciil Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada,
    Shaqaalaha, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhaarta kadib kula dardaarmay Wasiiradani inay xilalkan loo igmaday ee ay magaca Alle ”SWC” ku mareen  uga soo baxaan si masiiliyaddi ku dheehan tahay, isla markaana ay ugu adeegaan si daacadnimo ah Diintooda, Dalkooda iyo Dadkoodaba.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa u sheegay masuuliyiintani in Puntland maanta u baahan tahay muwaadin ugu adeeda dadkiisa iyo dalkiisaba daacadnimo, hawlkarnimo, masuuliyad, xilkasnimo iyo geesinimo, waxaana uu Madaxweynuhu qiray in shacabka Puntland diyaar u yihiin sidii ay ula shaqan lahaayeen madaxdooda uguna hogaansami lahaayeen amaawiirta Dawladdooda, sidaasi daraadeedna  looga baahan yahay iyagana inay si lamida sidaasi shacabkooda ugu adeegaan.

Ugu Danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku booriyey masiiliyiintani inay ka foojignadaan kana fogaadaan wax walba oo shaqadooda hakad ku keenaya kana hor istaagaya dardargelinta hawlaha shaqo ee xafiiskiisa.