Video:-TOOS UDAAWO DOORASHADA KENYA OO BILAABATAY

Dadweynaha Kenya ayaa maanta oo ah Talaado, 8-da August 2017, u dareeray goobaha cod-bixinta doorashooyinka guud ee dalkaas.

Waxaa si weyn isugu soo baxay taageerayaasha madaxweynaha talada haya ee Uhuru Kenyatta iyo ninka ay sida weyn u loolamayaan ee Raila Odinga.

Safaf dhaadheer ayaa loo galayaa afaafka hore ee goobaha codbixinta dalka oo dhan, iyadoo dadka intooda badan ay ilaa xalay saqdhexe dhoobnaayeen goobahaas. Amniga ayaa sidoo kale si weyn loo adkeeyey.

Waxayna codbixintu ka bilaabatay inta badan goobaha dooarshooyinka 6-dii subaxnimo, ayada indhaha oo dhan ku foogan yihiin xaqiijinta Aalladda Elektoroonikada ee diiwan gelinta iyo nidaamka tirinta codadka ay dadku dhiibanayaan.

Xaafadda isku-raranta ee Nairobi ugu ballaaran ee Kibera, oo ah goobaha taaageerada ugu ballaaran ay ku haystaan mucaaradka, ayaa dhowr daqiiqo dib u dhac ku yimid, balse waa la xaliyey, amnigana si caadi ah baa loogu xaqiijiyey dadweynaha, sida ay booliisku sheegeen.

Xiisado ayaa ka dhex jiray hoggaamiyaasha tartamaya iyo taageerayaashooda maalmihi ugu dambeeyey, waxayna doorashadani tijaabo u noqon doontaa hanaanka dimuqraadiyadda dalka kenya, maadaama ay jiraan dhibaatioooyin ka dhashay doorashadii 2007-kii, markaasi oo rabshadihii qarxay ay ku dhinteen in ka badan 1,100 qof,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka