Wariye Cumar Dheere oo wali Maxkamad la’aan ugu xiran xabsi Milatari oo ku yaal garowe

Wariye Cumar Siciid Maxamed (Cumar Dheere) ayaa maalintii labaad ku jira xabsi ku yaalla duleedka koonfureed ee magaalada Garowe ee caasimada Puntland kadib markii habeenkii Axadda ay qabteen ciidamo ka tirsan maamulka Puntland.
 
Wariye Cumar Dheere ayaa waxaa markii ay qabteen ciidamada waxay markiiba u kexeeyeen saldhig ku yaalla kontaroolka koonfureed ee magaalada Garowe, halkaasoo uu ku yaalla xabsi ay ciidamadu ku xiraan dadka lagu tuhmayo ka mid ahaanshaha kooxda Al-Shabaab.
 
Xarigga wariye Cumar Dheere ayaa la xaqiijiyay inuu ahaa amar ka soo baxay madaxtooyada Puntland.
 
Illaa hadda ma jirto wax eedeyn ah oo lagu soo oogay Wariye Cumar Siciid Maxamed(Omar Dheere).
 
Waxaase la yaab noqotay in wariyaha lagu xiro meel ay Puntland ku heyso dadka lagu eedeynayo argagixisanimada oo qaarkood ayba halis ku noqon karaan amniga wariyaha.
 
Wariye Cumar Dheere ayaa ah tifaftiraha wargeyska Horseed iyo sidoo kale madaxa warfaafinta ee ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP.
 
Ururka Suxufiiyinta Qaran ee NUSOJ iyo MAP ayaa labaduba ku cambaareeyay xarigga ay ciidamada Puntland u geysteen wariye Cumar Dheere.