Video:-Odinga oo sheegay in la jabsaday doorashadii Kenya

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa maanta sheegay in kooxaha jabsada kombiyuutarada ay fuliyeen qiyaano “weyn oo xad dhaaf ah” oo ka dhan ah kombiyuutarada guddiga doorashada Kenya.

Odinga ayaa sheegay in taasi oo dhalisay wax uu ugu yeeray tiro codad ah oo muujinaya in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu kaga horreeyo doorashada madaxweyne.

Website-ka guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha Kenya ee loo soo gaabiyo IEBC, ayaa muujinaya in madaxweyne Kenyatta uu doorashada ku hoggaaminayo codad ah 54%, halka Odinga uu haysto 45%, ayada oo la tiriyey 93% codadka.

Odinga ayaa weriyayaasha maanta u aqriyey qoraal uu ku eedeeyey kooxaha jabsada kombiyuutarada inay baddaleen natiijadii doorashadii shalay dhacday, islamarkaana aysan ku koobneyn oo kaliya tan madaxweynaha balse ay saameysay doorashooyinka kale ee dalka.

“Natiijada ay baahinayaan IEBC ee madaxweyne waa mid gebi ahaan been abuur ah oo ku saleysan xisaab la laba jibaaray oo Uhuru siineysa codad aan la dhiiban” ayuu yiri Odinga.

“Qiyaanada xisbiga Jubilee ay kula kaceen dadka Kenya waxay ka saro martay xatooyo kasta oo taariikhda waddankan soo martay. Markan waan ku qabanay” ayuu yiri Odinga oo madaxweyne Kenyatta ku sheegay inuu yahay “qiyaanoole”.

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka