Video:-Trump oo u Hanjabay Kuuriyada Waqooyi

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu goodiyay Kuuriyada Waqooyi in ay la kulmi doonto cadho iyo dab uusan caalamka waligii arkin, hadii aysan Mareykanka ka joojin hanjabaadaha.
 
Trump, ayaa Talaadadi hadalkaan ka sheegay beertiisa nashadada ee lagu ciyaaro golf-ka kuna taala degmada Bedminster ee gobolka New Jersey.
 
Wuxuu ku eedeeyey hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, inuu aad ugu hanjabayo Mareykanka, kadib marki ay Kuuriyada Waqooyi ku celceisay in ay sii wadi doonto tijaabinta gantaalada riddada dheer.
 
Hadalka madaxweynaha Mareykanka ayaa yimid saacado kadib marki ay qaar badan oo ka mid ah warbaahinta Mareykanka ku warrameen in khubarro ka tirsan Waaxda Difaaca ay ogaadeen in Kuuriyada Waqooyi ay ku guuleysatay sameynta madaxyo niyukleer ah oo la yareeyey kuwaasoo lagu rakibi karo gantaalada riddada dheer ee ay tijaabiyeen bishi hore.
 
Wargeyska Washington Post ayaa ku warramay in qiimeyn ay sameysay waaxda difaaca Mareykanka ku ogaatay in Kuuriyada Waqooyi ay sameysatay hub niyukleer ah oo ay xambaari karaan gantaalada loo yaqaano ballistic-ga,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka