Video:-Weerar gaari loo adeegsaday oo ka dhacay dalka Faransiiska goordhawayd

Magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska warar hadda ka imaanaya ayaa sheegaya in weerar gaari loo adeegsaday uu ka dhacay halkaas.
 
Gaariga ayaa xoog kusoo galay goob ay ku badnaayeen Booliska oo ku taallay xaafadda caanka ah ee Lavallions Parette ee magaalada madaxda dalka Faransa ee Paris.
 
Lix qof ayaa ku dhaawacmay weerarkaas,waxaana goobta isku gadaamay ciidanka Booliska oo ka bilaabeen hawlgalo.
 
Dhawr jeer hore ayaa weeraro noocan oo kale ay ka dhaceen Paris, balse weerarkan wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay ee ka dhaca tan iyo intii  la doortay madaxwaynaha cusub Emanuel Macron,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka