Wakiilka Xoghayaha Guud oo udigay labada Aqal ee Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya

Warqadan ayaa ku socotay Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Guddoomiyaha Goalah Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, iyadoo lagu ogeysiiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
 
“Aniga oo ku hadlaya magaca Kooxda Copenhegan oo ka kooban Safiirada Itoobiya ,Sweden, Talyaaniga, Qaramada Midoobay, Ingriiska, Mareykanka, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Urur Goboleedka IGAD waxa aan qoraalkeygan idinku wargalineynaa in aan tixgalinnay doorashadii 7da Ogosto loogu doortay Senotor Cabdi Xasan Cawaale Qybdiid inuu noqdo Guddoomiyaha Guddiga Wadajirka ee Dib U eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya, hase yeeshee waxa aan ka walaacsannahay in uu guddigaasi uu shaqo bilaabo, iyadoo haweenku aaney ku laheyn wax matalaad ah, sababtoo ah guddigan waxa uu door muhiim ah ka ciyaarayaa qaabeynta musaqbalka Soomaaliya”ayuu qoraalkiisa ku yiri Micheal Keating
 
Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay “Soomaaliya waxa ay tallaab muhiim ah u qaaday hirgalinta dowlad loo wada dhan yahay doorashadii 2016-2017 taas oo ay haweenku ka heleen 24% xubnaha baarlamaanka sidoo kale waxaa kordhay xubnaha haweenka ku jira Gollaha xukuumadda ,marka in la dafiro doorka haweenka oo aaney wax cod ah ku yeelan dib u eegista Dastuurka iyaga oo ah in ka badan 50% bulshada Soomaaliyeed waa mid meel ka dhac weyn kana soo horjeeda cadaaladda iyo Xuquuqul insaanka, waxaana haweenka oo laga saaro guddiga ay su’aal galineysaa sharciyadiisa iyo awoodiisa taasoo adkaaneysa inuu ku guuleysto howsha loo igmaday ee ah dib u eegista dasuurka federaalka”
 
Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Micheal Keating ayaa ugu danbeyn sheegay in muhiim tahay in Baarlamaanka Soomaaliya uu xaqiijiyaa in uu yahay mid lagu aamini karo xal u helida arrinkan, sidaa darteed ,waxaaan ku dhiirigalinayaa hogaamiyayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya in ay arrintan si buuxda xal ugu helaan.
 
“Waxa aan ognahay inuu jiro mooshin ay soo qaddimeen xubnaha haweenka ee ku jira baarlamaanka qaarkood sidaa awgeed waxa aan ku baaqeynaa in dhawqooda la tixgaliya lana taageero”ayuu yiri Danjire Keating.
 
 
Hoos ka akhriso warqada:-