Wariyihii caanka ahaa ee Axmed Maxamed Cali(Axmed Kismaayo) oo geeriyooday.

Axmed Maxamed Cali(Axmed Kismaayo) oo geeriyooday.
 
Rabi ha unaxariisto janadiina haka waraabiyo guud ahaan shacabka Puntland samir iyo imaan haka siiyo,si gaar ah waxaan Tacsi ugu dirayaan bahda idilnews Xaaskiisii iyo Caruurtisii.
 
 
Allaha u naxariistee Wariye Ahmed Maxamed Cali (Ahmed Kismaayo), ayaa ku geeryooday isbitaal ku yaalla dalka India.
 
Marxumka, ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa uu xaalad caafimaad uu u joogay Magaalladda Nairobi iyadoo laba todobaad ka hor uu tagay dalka India.
 
Axmed Kismayo ayaa la xaqiijiyay saaka aroortii inuu u geeriyooday xaaladii dhanka caafimaadka aheyd ee haysatay, sida ay xaqiijiyeen qaar ka tirsan ehelada Marxuumka.
 
Axmed wuxuu ka mid ahaa Wariyayaashii Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladii Somaliya, markii bur burku dhacay wuxuu ka mid noqday aasaasaayaashii Warbaahinta Puntland, waxaana uu billaabay soo saarista Wargeys madax banaan.
 
Axmed waxuu noqday wakiilka Puntland uga soo warama Laanta Afka Somaliga ee BBC-da,isagoo mudo aad u badan lasoo shaqeeyay.
 
Axmed waxuu kaloo noqday Agaasimihii warbaahinta Puntland,waxaana si gaar ah loogu xasuustaa doorkii uu ka qaatay kicinta Tv-ga Puntland.
 
Ugu danbayntii Axmed waxuu noqday Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Puntland,xilkaas oo uu iska casilay mudo kadib.
 
 
Rabi ha unaaxriistee Axmed waxuu ka mid ahaa haldoorka Puntland ee qiimaha leh,geeridiisuna waxay meesha ka saartay shaqsi macno badan ugu fadhiyin bulshada.
 
Jibril Qoobey.