Baarlamaanka Puntland oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Golihii Wasiirada ee cusbaa

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa si buuxda u ansixiyay dhamaan Golihii Wasiirada dawlada Puntland ee Madaxweyne Gaas soo magacaabay maalmo ka hor.
 
Ma jirin Xildhibaan diiday marka laga saaro labo mudane oo aan iyaguna diidin balse ka gaabsaday oo aamusay,sidaana waxaa cod aqlibayd leh ku helay kasloonida Baarlamaanka Golihii Wasiirada ee cusbaa.
 
Talaabada saakay Baarlamaanku ku ansixiyay Golaha Wasiirada ayaa guud ahaan Puntland laga soo dhaweeyay,iyadoo bulshadu aad isha ugu wada haysay,
 
Bulshada reer Puntland qaybaheeda kala duwan ayaa intooda badan qabay in ay muhiim ay ahayd kalsooni siinta Wasiirada cusub ee Baarlamaanka,iyagoo cudurdaar uga dhigaya in xiligan aysan Puntland xamili karin xasarad siyaasadeed oo intaa dhaafsiisan.
 
Dhanka kale ansixinta Wasiirada ayaa u ah falaar wadnaha kaga taagnayd oo ka fuqday Madaxtooyada Puntland.
 
Baarlamaanka Puntland ayaa horay codka kalsoonida ugala laabtay Golihii hore ee Wasiirada ,iyadoo ilaa xiligaas Madaxtooyada iyo Baarlamaanka ay ka dhex jirtay isfahan waa,inkastoo ugu danbayntii ay isku soo dhawaadeen gaareena heshiis is afgarad oo wada shaqayneed.
 
Waxaa jira xan hoose oo aan la xaqiijin karin oo sheegaysa in Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland iyo Madaxtooyada ay gudaha Salaama Bank wax ku kala goosteen.sida uu xaqiijiyay mid ka mid ah Xildhibaanada oo saxaafada la wadaagay war uu ku sheegay in laaluush lagu siiyay ansixinta dhamaan Barnaamijyada Madaxatooyadu wadato.
 
Isku soo wada duuboo Madaxweyne Gaas ayaa lagu amaanay habka uu usoo xushay Wasiiradiisa cusub iyadoo la oran karo intooda badan waa dad uqalma boosaska ay ku fariisteen.