Raila Odinga oo sheegtay in uu ku guulaystaydoorashadii kenya iyo beesha caalamka oo u digtay

Shir jaraa’id oo ay goordhow ku qabteen magaalada Nairobi isbahaysiga mucaaradka ee NASA ayay ku sheegeen in musharaxooda Raila Odinga uu heley codadka ugu badan, iyaga oo ugu baaqay in guddiga doorashooyinka ee IEBC in ay ku dhawaaqaan in Raila uu ku guuleystey madaxweynenimada Kenya.

Waxa uu sheegey in ay jireen waxyaabo badan oo la’is dabo mariyey, ayna dhacday ku shubasho, isaga oo guddiga ku eedeeyey in uusan soo bandhigin caddeyn ku filan oo ay ku xaqiijin karaan natiijada.

Mar la weeydiiyey sida ay ku ogaadeen natiijada uu Raila heley ayuu sheegey in dad ka mid ah IEBC ay usoo gudbiyeen, kuwaasi oo uusan dooneynin in uu magacooda sheego si buu yiri aysan ugu dhicin wixii ku dhacay Chris Msando oo ahaa madixii tiknoolajiyadda ee guddiga oo meydkiisa la heley todobaad ka hor doorashada.

Mid ka mid ah warfidiyeenada ayaa weeydiiyey in ay ku dhawaaqayaan in Raila uu madaxweyne yahay iyo kale, wuxuuna Musalia uga jawaabay “Taasi waa shaqada IEBC, iyaga ayay tahay in ay ku dhawaaqaan qofka madaxweynaha ku guuleystey”.

Lama oga waxa ka dhalan kara hadalkan cusub ee kasoo baxay mucaaradka, balse isla markiiba wararka kasoo baxaya magaalada Kisumu ee mucaaradka ku xoogganyihiin ayaa waxa ay sheegayaan in ay ka biloowdeen dabaaldegyo.

Mar sii horeysey guddiga doorashada ayaa sheegey in doorashada u dhacday qaab xaq iyo xalaal ah, aysana jirin wax isdabo-marin ah oo dhacday.

Sidoo kale korjoogtada doorashada ayaa ammaanay shaqada guddiga doorashada, waxana ay ku baaqeen in tartamayaasha oo dhan ay u hoggaansamaan sharciga.