Sawiro:-Talyaha Booliska Fadaraalka oo Gaadiid ku wareejiyay Booliska Gaalkacyo ee isku dhafka ah

Talyaha Ciidamada Booliska Fadaraalka Soomaaliya Jen. C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa maanta Gaadiid ku wareejiyay Ciidamada Booliska isku dhafka ah ee shalay tababarka loosoo xiray magaalada Gaalkacyo.
 
Gaadiidkan oo gaaraya Lix ayaa afar kamid ah waxaa ku hawlgali doona Booliska isku dhafka ah,halka labada soo hartay lagu wareejiyay Puntland iyo maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado.
 
Gaadiidkan ayaa ka soo dagay Dekadda Magaalada Boosaaso todobaadkii hore.
 
Talyaha Ciidamada Booliska Fadaraalka Soomaaliya Jen,Saacid ayaa tilmaamay in u waqti badan galiyay sidii baabuurtan ay soomaaliya u heli-lahayd,kuwaaso muddo labo sanno ah ku xanibnaa Dalka jabuuti,waxuuna si gaar ah ugu mahadceliyay Dawlada Puntland oo baabuurta markii ay soo dageen dayactir weyn ku samaysay.
 
Talyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen.C/qaadir Shire Faarax Ereg oo madasha Gaadiidkan lagu wareejinayay hadal ka jeediyay,ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay wada shaqaynta amaanka Gobolka Mudug,waxuuna talyuhu kula dardaarmay Ciidamadu in aysan dayicin Gaadiidkan.
 
Docda kale Madaxweyne xigeenka Puntland, Talyaha Booliska fadaraalka Soomaaliya,Jen Saacid,Talyaha Booliska Puntland Jen Erag iyo saraakiil kale ayaa booqday Xarunta cusub ee ay dagayaan Ciidamada isku dhafka ee ka howlgalaya Gaalkacyo.
 
Ugu Danbayntii,,Talyaha Booliska Fadaraalka Soomaaliya Jen Saacid ayaa labo neef oo geel ah siiyay Ciidamada isku dhafka ee Gaalkacyo,isagoona u balanqaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu keeni doono agabyada kale ee ay u baahanyihiin.