Uhuru oo wali ka horeeya odinga iyo Gudiga doorashada oo ku gacansayray hadalkii Odinga

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa u muuqda inuu wali kaga horreeyo hogaamiyaha mucaaradka codadka ilaa iyo hadda la tiriyey ee doorashadi Talaadadi ka dhacday dalkaasi.
 
Ninka sida aadka ah kula tartamayo doorashadan, Raila Odinga ayaa Arbacadii qaadacay natiijooyinka hordhaca ah ee ay soo saareen guddiga doorashada.
 
War ay goor danbe oo Arbacadii shalay ah soo saareen ayey guddiga doorashada ku sheegeen, in ilaa iyo iminka la tiriyey 96 boqolkiiba codadka la dhiibtay. Waxay sheegeen in madaxweyne Kenyatta uu kaga horeeyo Odinga 55 boqolkiba, halka Odingana uu marayo 44 boqolkiiba.
 
Saraakiisha doorashooyinka ayaa heysta muddo todobaad ah in ay ku xaqiijiyaan kuna dhawaaqaan natiijada kama danbeysta ah ee doorashada xilka madaxweynaha dalka Kenya.
Marka laga soo tago doorashada madaxweynaha ee aanan wali natiijadeeda lagu dhawaaqin, waxaa lagu kala baxay qaar ka mid ah doorashooyinka gudoomiyaasha gobolada iyo tan xildhibaanimada.
 
Magaalada Garisa oo ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn gobolka Soomaalida ay degto ee Waqooyi Bari, Adan Barre Ducaale ayaa ku guuleystay kirsiga xildhibaanka magaalada Garisa, kadib marki uu kula tartamay Farax Macalim oo horay usoo noqday gudiimiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya.
 
Guud ahaan wadanka Kenya ayaa ahaa mid xasiloon marka laga reebo rabshado ka dhacay magaalada Kisumu ee ku taalla dhinaca galbeed iyo sidoo kale degmada Mathare.
 
Dhanka kale Gudiga Doorashada kenya ayaa ka hor yimid hadal uu saxaafada u sheegay shalay oo Arbaco ahayd hogaamiyaha mucaaradka Kenya Odinga,kaasoo ahaa in la jabsaday Kumbuyuutarada Gudiga Doorashada.
 
Madaxa fulinta guddiga doorashada Kenya, Ezra Chiloba, ayaa sheegey in hanaanka combuuterada ee guddiga aan loo dhicin saacada ka dib markii guddoomiyaha guddigaasi uu sheegay in eedeyntaasi baaritaan lagu sameyn doono.
 
Mar sii horreysay ayaa hogaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga waxa uu sheegay in hanaanka combuuterada guddigaasi loo dhacay si codadla loogu shubo madaxweyne Uhuru Kenyatta.
 
Chiloba, ayaa sheegey in natiijooyinka hadda lasoo gudbiyey aysan ahayn kuwa rasmi ah, kuwa rasmigana ay yihiin kuwa ku qoran foomamka gacanta ku qoran ee laga soo gudbin doono goobaha codka laga dhiibtey.