Video:-Daawo Taariikh nololeedkii Axmed Kismaayo iyo masuuliyiiin fara badan oo Tacsi ka dirtay geeridiisa

Rabi ha unaxariisto janadiina haka waraabiyo guud ahaan shacabka Puntland samir iyo imaan haka siiyo,si gaar ah waxaan Tacsi ugu dirayaan bahda idilnews Xaaskiisii iyo Caruurtisii.
 
 Allaha u naxariistee Wariye Ahmed Maxamed Cali (Ahmed Kismaayo), ayaa ku geeryooday isbitaal ku yaalla dalka India.
 
Marxumka, ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa uu xaalad caafimaad uu u joogay Magaalladda Nairobi iyadoo laba todobaad ka hor uu tagay dalka India.

Taariikh Nololeedkii Axmed Maxamed Cali(Axmed Kismaayo):-

“Allaha u naxariisto”

 

Axmed –kismaayo waxaa uu ku dhashay magaalada Kismaayo dabayaaqadii Sannadkii 1964, wuxuuse waxbarashadiisa h/dhexe iyo sare ku dhammaystay magaalada Muqdisha.
Markii uu dhammaystay dugsiga sare sannad-dugsigeedkii1984/85, waxa uu soo maray labo sanno oo shaqada qaranka ah(National service). Waxaa uu shaqadii ugu horeysay ka billaabay idaacada muqdisho sanadkii 1987, halkaas oo uu ka shaqaynanay ilaa iyo burburkii xukuumaddii Siyaad Bare.

Axmed waxaa uu ka mid ahaa boqol qof oo u qaxay magaalada Kismaayo, ka dibna markab ayuu u raacay magaalada mambaasa ee dalka keenya oo uu halkaas ku noolaa muddo afar sanno ku dhow.

Dabayaaqadii 1994 ayuu Axmed ku soo laabtay dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Garoowe oo uu ku noolaa wixii xilligaas ka dambeeyey. Diseember 1994 ilaa 2001,Axmed-Kismaayo waxaa uu ahaa tifatiraha wargeyska Riyaaq oo ka soo bixi jirey Puntland, kaasoo ahaa wargeys caan ka noqday Puntland iyo meelo ka baxsan. Axmed waxaa uu wargeyska ku lagaa maqaalo taxane ah oo aan ka xasuusto, “danaha shisheeye iyo damiir la’aanta Soomaalida”, “Ilo-Garo Bidcada” iyo gorfeyn kale oo tiro badan. Sidoo kale Axmed waxaa uu ka mid ahaa aasaasayaashii wargeysa Riyaaq, oo ay ka mid ahaayeen, Muddane Saciid Xuseen Ciid, C/raxmaan Shiikhdoon, Maxamed Maxamuud(Gambool), Saciid Wayeel(Alaha u naxariisto) iyo rag kale.

Axmed waxaa u ahaa suxufigii ugu horeeyey ee lagu xiro magaalada Garowe intii la dhisay xukuumada Puntlad. Waxay ahady 31 bishii 7-aad 1999, maalin ka hor dabaal-degii ugu horeeyey ee loo dabaal dego dhismihii Puntland. Waxay ahady subax Sabti ah abaarihii 9-kii, aniga iyo Axmed ayaa ku hawlanayn inaan soo saaro cadad gaar oo xooga saaraya dhismihii xukuumada Puntland iyo wax qabadkeedii, si loo akhristo maalinta dabaal-dega ee 1-da Agoost, nasiib daro taliyihii saldhiga booliska ee Garowe ayaa Axmed ku wargeliey in saldhiga laga rabo, sidaas ayaana lagu xiray, in kastoo oo ay maxkamada degmada Garoowe siideysay maalmo ka dib.
1995-1997, Axmed waxaa uu macalin ka ahaa dugsiga dhexe ee Al-waxah, oo ka mid ah dugsiyada ugu waaweyn Puntland. Waxaa kale oo uu Axmed masaajidyada ku akhrin jiray kutubta diiniga ah qaarkood, maadaama uu Axmed ka mid ahaa, dadkii wax ku bartay baraaruga dacwada.

Muddo 12 sanno ayuu Axmed ahaa weriyaha idaacada BBC-da ee deegaanada Puntland(2002-2013). May 2013, ayaa Axmed Kismaayo loo magacaabay agaasimaha TV-ga iyo Idaacada Puntland oo ahaa xilligaas ahaa agaasin madax bannan. Agoosto 4-tii, 2014 ayaa Axmed Kismaayo xillkaas laga qaaday.
25-kii Abriil 2016 ayaa Axmed Kismaayo loo doortay guddoomiya guddiga doorashooyinka madaxa bannan ee Puntland, hase yeeshee waxaa uu xilkaas iska casilay Nofeember 2016, arrimo la xiriiray caafimaadkiisa darteed.

Axmed waxaa u ahaa qoraa hiwaayadiisu tahay qoraalka iyo akhriska. Sidoo kale waxaa uu ahaa dadka aadka u xasuustaa(xifdiya) dhacdooyinka soo mara ama uu maqlo, taasoo u sahay inuu hayo taariikh badan oo uu ku dhaxalay sheeko iyo shaahid. Waxaa uu qoray labo buug oo kala ah: “Hoygii Badbaada(2011) iyo Layliga Suxufiga(2017)”. Sidoo kale, waxa uu tifo tiray buug qiimo badan oo ka hadlaya taariikhdii hore ee Soomaalida oo uu qorey Siciid Shiidaad. Qoraal kooban oo uu Axmed Kismaayo ku bidhaaminayo buugaas waxaa uu yiri:”
“Buugani wuxuu si qoto dheer u lafa-gurayaa sooyaalka soohdinta dulka Soomaalida oo aad uga duwan inta aynu maanta naqaan, Soomaalidii hore ee taariikh ka hor iyo tii dhexe, dhamaan qabaa’ilka Soomaaliyeed ee ku sugnaa gudaha xuduudda dhulka Soomaalida iyo kuwa kale ee ku lulmay dhulka la lumiyay muddada dheer ka hor”

9-Kii Agoosto 2017, ayuu Axmed ku geeriyooday hoteel ku yaala magaalada Haydarabad ee dalka Hindiya oo uu muddo labo todobaad ah u joogay in qaliin looga sameeyo cunaha oo uu kaga dhacay cudurka kansarka. Waxaa uu ka tegay 8 gabdhood, 7 wiil iyo labo xaas. …….allaha u naxariisto….. walaalkay Axmed Maxamed Cali.

Qoraalka Taariikhda Abdirahman Cali

 
,hoos ka daawo muuqaalka Taariikhdiisa iyo masuuliyiinta Tcasida ka diray Geeridiisa..

 

Halkan ka daawo muuqaalka