Video:-Daawo ugu danbayntii Xildhibaanadu waa ansixiyeen Wasiiradii si aqlabiyad leh.

Ugu danbayntii Xildhibaanadu waa ansixiyeen Wasiiradii si aqlabiyad leh.
 
Waa talaabo soo dhaweyn mudan,intaas ka badan xasarad siyaasadeed laguma sii jiri karo.
 
Waxaa la gaaray xiligii loo shaqaynlahaa dalka iyo dadka.
 
Madaxweyne Gaas waa lagu amaani karaa sida uu usoo xushay markan Wasiiradiisa oo waliba uu ugu fariisiyay Wasiirada intooda badan Wasaaradihii ay ku wacnaayeen.
 
Baarlamaanku iyagoo wajiyada qarsanaya ayay gacmaha kor uwada taageen hal mar oo aan kala har lahayn marka laga reebo labo mudane oo iyaguna aan didin ee ka gaabsaday,waxaana Golaha fadhiyay 63 mudane,iyadoo uu shir gudoominayay fadhiga Gudoomiye Axmed Cali Xaashi.
 
Waa ku bogaadinaynaa in ay danta guud xeeriyeen isbadal loo baahnaana horseed ka noqdeen.
 
Si gaar ah waxaan ugu mahadcelinayaa Xildhibaan Shaacuur oo maalmo ka hor saxaafada qaarkeed ka sheegay in lacag gaaraysa 28000 oo dolar lagu siiyay ansixinta barnaamijyada Dawladu wadato uu maanta qayb ka ahaa Xildhibaanadii sida hagar la’aanta ah gacmaha kor ugu wada taagay ee ansixiyay Wasiirada.
 
Kuma ceebaysna Xildhibaanadu in ay codka siiyaan Wasiiradii ay shalay kala laabteen codka kalsoonida ah,sababtoo ah ugu yaraan waxay horseed ka noqdeen isbadal loo baahnaa habacii iyo niyad jabkii shacabka haystayna waa kacay.
 
Waxaana kuu cadaynaya in isbadal yimid wahabkiina kacay, hididiilada bulshada soo gashay oo aad moodo in dawlad cusub iyo madaxweyne cusub saakay la doortay .
 
Ugu yaraan dalka iyo dadku waxay qaateen caajis ka kicin(Refresh) loo baahnaa.
 
Hoos ka daawo muuqaalka anisixinta Wasiirada cusub ee Baarlamaanka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka