Video:-Madaxweyne Farmaajo oo dalacsiiyay Askarigii badbaadiyay kaydkii Radio Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa dalacsiiyay Askirigii badbaadiyay Radio Muqdisho mudadii burburka ahayd ee 26-kii sano ee lasoo dhaafay.

Askarigan oo u dhabar adaygay guud ahaan dagaaladii Sokeeye ,Barakicii ka dhacay Xamar iyo rafaadkii Nololeed ee dalka soo maray ilaa iyo 1991 burburkii Dawladii dhexe waxuu ilaalo ka ahaa oo gacanta ku hayay kaydka Radio Muqdisho oo ay dhex yaaleen dhamaan taariikhdii dalka.

Madaxweyne Farmaajo xiligii uu ka ahaa Ra’isalwasaaraha dawladii madaxweyne Sh.Shariif hogaaminayay ayaa mar uu booqday xarunta Radio Muqdisho waxuu u balanqaaday Askarigaas in uu dalacsiin doono oo Xidig gudoonsiindoono iyo bilad sharaf.

Hadaba Madaxweyne Farmaajo oo ka duulaya balanqaadkaas iyo xaqa Askarigaas uu uleeyahay in la xuso oo la abaalmariyo ayuu Madaxweynuhu gudoon siiyay bilad sharaf iyo Xidig,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka