Yuusuf Garaad oo Mooshin laga keenay Baarlamaanka Fadaraalka

Illaa 12 Xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka ayaa mooshin ka gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar, si wax looga weydiiyo ku dhaqan la’aanta faritaanka sharciLr. 112 sharciga shaqaalaha arrimaha dibadda ee dalka la dhaqangalay 05/09/2013 gaar ahaan qodobkiisa 1aad(b) iyo qodobka 4aad ee shuruudda diblomaasiga dibadda loo diraayo.
 
Qodobadda Yusuf Garaad lagu heysto waa awood qeybsiga beelaha 4.5 iyo qoondada beel walbo ay ka tahay in ay ka hesho shaqaalaha arrimaha dibadda, waxaa kale oo wax laga weydiin doona shuruudaha laga doonayo diblomaasiga dibadda loo dirayo.
 
Su’aalaha La Doonayo in Yusuf Garaad Ka Jawaabo:
 
Qorshaha fulinta ku dhaqanka sharciga shaqada arrimaha dibadda Lr. 112
In uu Golaha u caddeeyo muddada uu fulinayo qorshihiisa
Hadaba, halkan ka akhriso, qodobada wax laga weydiin doono Yusuf Garaad:
 
Qodobka laad: Sarnaynta iyo baabi’inta Ergooyinka diblornaasyi adda iyoQunsuliyadaha
 
Ergooyinka diblomaasiyadda iyo Qunsuliyadaha waxaa lagu samayn karaa ama lagu baabi ‘in karaa Go’aanka Golaha Wasiirrada oo cuskanaya soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Iyo Iskaashiga Caalamiga ah; iyadoo isla markaana sababaha keenay sameynta iyo baabi ‘inta lala socodsiinayo Guddiga Arrimaha Dibedda ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed, isla markaana lagu soo saaro Dekareeto Madaxwaynaha Jarnhuuriyadda Federaalka ah.
 
Magacaabista Madaxa Ergooyinka, Qunsuliyadaha iyo Hawlwadeennada Diblomaasiyiinta ah; waa in la waafajiyaa isku-dheelitirka Habka Awood Qeybsiga Dalka.
Qodobka 3aad: Kamid noqoshada shaqaalaha wasaaradda
 
Muwaadinka Soomaaliyeed ee doonaya inuu ka shaqeeyo Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah waa inuu soo buuxiyo shuruudahan:
 
Inuu yahay Soomaali; yaqaanana Af-Soomaaliga (Maay & Maxaa Tiri) hadal & qoraalba b. Inuu ka diiwaan gashanyahay Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Dowlada Rayidka ah,
 
Haddii uusan kamid ahayn in la diiwaangeliyo
d. In la hubsado isagoo lamarinayo Hay’adaha Qaranka ee kushaqada leh in aanu dambi gelin,
 
e. Hadii aanu ahayn Xirfadle ama Shaqaalaha hoose, waa in aqoontiisu tahay ugu yaraan heer jaamacadeed, islamarkaana uu qoraal iyo kuhadalba si fiican u yaqaan ugu yaraan mid ka mid ah afafka Carabiga, Ingiriiska iyo Faransiiska, In uu dhimirkiisu fiyowyahay, jir ahaan iyo iyo lixaad ahaanba gudan karo howlaha diblomaasiyadda,
In uu bulshada ku dhex leeyahay sumcad fiican,
 
In uu ku guuleysto Imtixaanka Qiimaynta Wasaaradda, iyo
In uusan leheyn wax balwo ah ee wax u dhimi karta sharaftiisa ryo gudashada waajibaadkiisa Qaran.
Qodobka 4aad: Shuruudaha diblomaasiga dibedda loo dirayo
 
Diblomaasiga dibedda loo beddelayo waa inuu buuxiyo shuruudahan:
 
In uu buuxiyay shuruudaha kamid noqoshada shaqaalaha Wasaaradda ee kuxusan Qodbka 3aad:
 
2. In uu ugu yaraan laba sano ka shaqeeyay xarunta Wasaaradda,
 
In aqoontiisu tahay ugu yaraan heer jaamacadeed, ama khibrad dheer oo u dhiganta, islamarkaana akhlaaqiyaadkiisa, kartidiisa iyo Soomaalinnimadiisa lagu kalsoonyahay,
 
Danjirayaasha Magacaabid Siyaasadeed (Political Appointees) ku yimaada waa inay ugu yaraan Laba bilood xarunta ka howl galaan, si ay u bartaan shaqada Wasaaradda iyo waaxyaheeda, xilka iyo waajibaadka laga rabo, iyo inuu helo macluumaadka siyaasadeed, dhaqan iyo dhaqaale ee dalka loo magacaabay;
 
Shakhsiga xilka faqradda 4aad ku xusan loo magacaabayo, waa in uu xilal sare oo dawldeed hore u soo qabatay, waana in uu buuxiyo qodobka 3aad xarafaha “a, e, f, iyo h” ee Sharciga
 
Safiirka iyo diblomaasiyiinta kaleba waa in ayna hal dal joogin wax ka badan afar sannadoood, iyo
In uu qaato tababar gaar ah (Tababarka shaqada diblomaasiyadda dibedda- “Diplomatic Foreign Service Training”) oo uu kuqaato gudaha ama dibedda.
 
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu horay u magacaabay illaa 3 safiir kuwaas oo kala ah: Jaamac Cabdullahi Maxamed( Jaamac Caydiid) oo Turkiga ah, CabdiraxmaanYuusuf Cali Caynte oo UK loo magacaabay iyo Abuukar Daahir Cusmaan (Baalle) oo qaramada midoobey ah, waa 10% oo madaxweynaha uu xaqa u lahaa in uu magacaabo.
 
Yusuf Garaad, wasiirka arrimaha dibadda J.F ee Soomaaliya illaa iyo hadda ma magacaabin wax safiir ah, waxaana la filayaa in uu isbadallo sameeyo bilaha soo socda, arrintaas oo beel walbo ay dooneyso in ay iska aragto oo la hubiyo awood qeysbiga 4.5.
Xigasho raasmedia.