Qarax xoog leh oo ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho

Warar goor dhowayd naga soo gaadhay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay gudaha xabsiga dhexe oo u dhow dekadda Muqdisho.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa ismiidaamin, waxaana la sheegay in qof uu isku qarxiyey afaafka hore ee masaajid ku yaalla gudaha xabsiga dhexe.

Warar hadda naga soo gaadhay Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxa loola dan lahaa Taliyaha ciidamad asluubta Jeneraal Xuseen Xasan Cusmaan.

Wararku waxay sheegayaan in taliyaha uu ka degay baabuur kadibna isaga oo kusii jeeda masaajidka uu nin ka daba orday kaasi oo uu hor istaagay mid ka mid ah ilaalada taliyaha.

Ninka ayaa la sheegay inuu isqarxiyey isaga oo halkaais ku dilay askarigii hor istaagay, saddex kalena dhaawacay.

Masaajiidka ayaa la sheegay inay ku tukadaan saraakiisha xabsiga, kuwa maxkamadaha iyo shaqaalaha.