Maxkamad ku Taala wadanka Hindiya oo Maanta Xukun ku riday 26 Qof oo Soomaali ah

Maxkmad ku Taala wadanka Hindiya ayaa 26 Maxaabiis Soomaali ah waxaa ay ku xukuntay Todobo sanno oo Xarig ah midkiiba, waxaa lagu eedeeyay dhalinyaradaan in ay Afduubteen Doon kaluumeeysi iyo 24 Shaqaale ah oo u dhashay wadanka Thailand sanadii 2011 kii.
Garsooraha Maxkamadda Xukunka Fulisay oo lagu Magacaabo Jayendara Jagdal ayaa waxaa uu sheegay in dhalinyaradaan lagu helay isku day Dil, afduub iyo Fal Liddi ku ah Madax Banaanidda iyo Amaanka wadanka Hindiya.
Maxkamaddu waxaa ay sidoo kale ku soo rogtay Maxaabiista laxukumay Ganaax dhan 17,000 oo Rubbiis mid kasta.
26 kaan Maxaabiista ah ayaa waxaa la filayaa in Doowladda Soomaliya lagu soo wareejiyo kadib marka laxukumo kua dhiman ee wali ku jira Xabsiyadda hindiya.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliaya Yuusuf Garaad Cumar axmed ayaa Bar uu ku leeyahay internet-ka kusoo Qoray in 61 Maxaabiis ah oo wali xiran laxukumi doono 19 ka Bishaan August.