Video:-Trump oo si la yaab leh uga hadlay go’aanka Ruushka

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa markii ugu horeysay ka hadlay go’aankii Ruushka dalkooda uga soo saareen in ka badan 750 diblumaasiyiintii ka shaqeyn jirtay Safaarada Maraykanka ku leeyahay Moscow.
 
“Waa soo dhaweenayaa arrintaasi, maadaama ay noo baajin doonto lacag badan oo nooga bixi jirtay mushaharka diblumaasiyiintaasi joogay Moscow…” ayuu yiri Trump oo si la yaableh uga hadlay arrinta oo uu in muddo ah ka gaabsanayey inuu soo hadal qaado.
 
Warkan kasoo yeeray Trump ayey durbaba dhaliileen diblumaasiyiinta Maraykanka qaarkood, walow Wasaarada Arrimaha Dibada iyo Xoghayaha Dibada Rex Tillerson aysan si rasmi ah weli arrintan uga hadlin.
 
Hase yeeshee saraakiil iyo diblumaasyiin ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada oo qaarkood la hadlay Saxaafada ayaa sheegay inay argagax iyo la yaab ku noqotay hadalada Trump,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka