Video:-Wado Muhiiim ah oo maanta Xamar dib looga furay

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa saaka ku guuleystay in dib loo furo waddo muhiim ah oo isku xirta Isgoyska Shaqaalaha iyo KPP, taasoo in muddo ah u xirneyd sababo amni.

Wadadan oo ah laami ayaa u xirneyd Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, gaar ahaan dhanka dhismaha Guriga Shaqaalaha ee hadda noqotay xarunta Baasaboorada laga bixiyo.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in wadadan ay halbowle u tahay isu socodka qeybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Wadadan ayaa fududeyneysay marka wadada Maka Al-Mukarama uu noqdo mashquul in la aado waddooyinka kale, sidoo kale gaadiidka raba inuu aado dhanka Isgoyska KPP ayaa ku qaadaneysay inuu soo maro waddo wareeg aheyd,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka