Madaxweyne Cosoble oo mooshin laga keenay iyo 13-Wasiiradiisa ka mid ah oo iscasilay

Kudhawaad 13-wasiir iyo wasiir kuxigeeno katirsan maamulka Hirshabeelle ayaa iska casilay, xilka ay ka hayeen xukuumadda Cosoble.
 
Cadaadiska ayaa kusii kordha Madaxwaynaha maamulkaas, maadaama mooshin isaga ka dhan ah la waday maalmihii lasoo dhaafay.
 
Wasiirrada is casilay ayaa ku eedeeyay in aysan u dulqaadan karin dhibaatada uu hayo madaxwayne Cali Cosoble, kaas oo ay saluugsan yihiin xildhibaannada iyo wasiirrada maamulkaas.
 
Dhamaan xubnahan ku dhawaaqay in ay iska casileen xilalkii ay ka hayeen maamulka ayaa dhinaca kale ah xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle iyaga oo guddoonka u gudbiyay mooshin ka dhan ah madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble.
 
Horay sidan oo kale xildhibaanno ka tirsan Hirshabeelle ayaa mooshin ka keenay guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Cismaan Barre Maxamed, hasse ahaatee mooshinkaa ayaa ku dhamaaday wadahadal , iyadoo ugu danbeyntii xildhibaannadii mooshinka wadday ku dhawaaqeen in ay dib uga laabteen.