Video:-Kulan lagu dhiirigalinayo Saxaafada oo lagu qabtay Magaalada Qardho

Dhalinta aqoon-yahanka ah ee kasoo jeeda Gobolka Karkaar iyo Kuwa Ku Sugan ayaa si wada-jir ah usoo qaban-qaabiyey munaasabad si fiican loosoo agaasimey laguna casumey qaybaha bulshada iyo Maamulka Gobolka iyo Laamaha amniga, munaasabadan ayaa waxay gaar u ahayd bahda saxaafada si loogu mahadinayo doorkooda baahinta wararka iyo war-bixinada la xiriira horumarka Gobolka Karkaar iyadoo la ogsoon yahay duruufaha kala duwan ee ku xeeran saxaafiyiinta dalka gudihiisa ka hawl-gala.
 
Munaasabadaan oo Aqoon-yahano Dhalin ah Soo Agaasimeen Hussein Musse Nooh Si Ay U Mahadiyaan Tabinta Joogtada ah iyo Doorka Saxaafada Ay Ku Leeyihiin Horumarka iyo Hanaanka Dhaqan iyo Horumar Ee Gobolka Karkaar.
 
Saxaafiyiinta Gobolka Karkaar Ayaa Niyad Wanaag iyo Dardar ka Helay Munaasabadan Lagu Mahadiyey Doorkooda, waxayna Balan qaadeen iney Si Wada Jir Ah u laba-jibaari Doonaan Hawlahooda Saxaafinimo gaar ahaan kuwo Kor u qaadaya Muuqaalka Gobolka Karkaar.
 
Marti sharaf kala duwan oo lagu casumey munaasabadan ayaa ka hadley kuna dhiiri-galiyey saxaafiyiinta iney ku dadaalaan sidey ula qabsan lahaayeen duruufaha ku xeeran mihnadooda iyo caqabadaha uga iman kara dhinacyada kala duwan eey wada-shaqaynta la leeyihiin.
 
Saxaafiyiinta ayaa lagu dhiiri-galiyey iney si wada jir ah u gutaan hawlahooda iyagoo looga fadhiyo iney dhankooda ka dhiiri-galiyaan xubnaha iyo shaqsiyaadka hawlaha muhiimka u haya bulshada,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka