Video:-Madaxweynaha Fadaraalka oo ku dhawaaqay in Somaliya laga ciribtiray cudurka Dabaysha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in cudurka dabaysha laga cirib tiray guud ahaan dalka muddadii sadexdii sano ahayd ee lasoo dhaafay.

 Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay munaasabad dowladdu ay kusoo bandhigaysay mira dhalka dadaalladii lagu dabar- gooynayey cudurka dabaysha ayaa waxa uu ku ammaanay shacabka Soomaaliyeed, Wasaaradda Caafimaadka iyo hay’adaha bah-wadaagta la ah sida ay ugu dhabeeyeen higsigoodii ku aaddanaa ciribtirka cudurkan dilaaga ah.

“Dowladda Fadaraalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay joogteyso dadaallada lagu ciribtirayo, loogana hortagayo cudurrada dilaaga ah oo ay dabeyshu kamid tahay sida ku cad Qorshaha Horumarinta Dalka.” ayuu yiri Madaxweynahu.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka iyo laamaha caafimaadka in ay u wada istaagaan sidii loo xaqiijin lahaa in mar kale cudurka dabaysha aanu kusoo laaban dalkeenna.

Guusha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah cudurkan dilaaga ah ayaa ku timid dadaallo isdaba joog ah oo soo socday in ka badan 30 sano,hoos ka daawo muuqaaalka.

 

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka