Fahad Yaasiin oo ku guulaystay in uu rido Madaxweyne Cosoble

Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe,ayaa sheegaya in xildhibaanada maamulka Hir-Shabelle ay kalsoonida kala noqdeen madaxweynihii maamulkaas Cali Cabdullaahi Cosoble.
76-xildhibaan oo golaha fadhiyay ayaa 68 ka mid ah waxay u codeeyeen mooshinka kalsooni kala noqoshada madaxweynaha oo horey Baarlamaanka loogu gudbiyay,halka ay lix xildhibaan ka soo horjeesteen, labana ay ka aamuseen.
Kulanka Cosoble xilka looga qaaday, oo loo diiday wariyeyaasha in ay goob joog ka noqdaan, ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee magaalada Jowhar oo ah isla halkii lagu doortay madaxweynenimada.
 
Warar laga helayo ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxtooyada Xamar ay qayb ka ahayd ama iyadu abaabushay xilka qaadsita Cosoble.
 
Fahad Yaasin oo ah xiligan agaasimaha Madaxtooyada Dawlada Somaliya,ayaa ah shaqsiga sida hoose u abaabulayay mooshinka madaxweyne Cosoble xilka looga qaaday.
 
Fahad waxuu ku guuleystay in la rido Madaxweynaha Hirshabelle.
 
Mashruucan ayaa waxaa heshiis ku ah Dowladda Qatar iyo Dawlada Fadaraalka Somaliya waxaana hawl fuliye ka ah Fahad Yasin oo ah Agaasimaha Madaxtooyada. Dowladda Soomaliya.
 
Qorshaha heshiiskan ayaa ah in xidiida loo siibo dhamaan Madaxweynayaasha Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka ee xiriirka dhaw la leh Dawlada Imaaraadka Carabta,gaar ahaan dhinacyada Amniga iyo Ganacsiga.
 
Laba usbuuc ka hor Qatar waxay soo dhiibtay 10 Million Dollar.iyadoo lacagtaas Bankiga dhexe lagu shubay oo kaliya $5 million dolar,waxaana lacagtaas qaybta soo hartay hada maamulaya Fahad Yaasiin agaasimaha Madaxtooyada iyo Taabit oo ah Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.
 
Waxaa muuqata in dagaalkii siyaasadeed ee ka dhex taagnaa wadamada Khaliijka uu lugta lasoo galay Somaliya,iyadoo lawada ogsoon yahay in Dawlada Farmaajo hogaamiyo ay si dadban u garab istaagtay dawlada Qadar.
 
Dhanka kale madaxda Dawlada Fadaraalka xiligan hogaaminaysa,ayaa ah kuwo kasoo horjeeda ama aan rabitaan uhayn nidaamka Fadaraalka ee dalku qaatay,waxaana socda qorshayaal ay rabaan in ay ku fashliyaan nidaamkaas.