Qarax xoog leh oo ka dhacay Nawaaxiga Hotel Jazeera Muqdisho

Qarax xoog leh ayaa ka dhacay meel ku dhaw Hotel Jazeera oo kaabiga ku haya Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
 
Qaraxa ayaa lagu soo xiray Gaari Tagsiile ah,waxaana dhaawac daran kasoo gaaray darawalkii gaarigaas sida ay xaqiijinayaan wararka na soo gaaraya
 
Ciidamada ilaalada xarumaha QM iyo kuwa Hotel Jazeera, ayaa soo gaaray goobta Qaraxu ka dhacay, waxaana hadda lasoo sheegayaa in ay socdaan baaritaanno ay waddaan ciidanka dowladda.
 
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxaas.