Cosoble”Anigaa ah Madaxweynaha sharciga ah ee Hir-Shabelle”

Madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble oo ay shalay xildhibaanada Hirshabeelle ay kalsoonida kala laabteen ayaa ka soo horjeestay, isagoo sheegay in uu yahay Madaxweynaha Hirshabeelle. kaddib markii uu goor dhow shir jaraa’id ku qabtay madaxtooyada magaalada Jowhar.
 
Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa sheegay in Mooshinka laga keenay uu yahay sharci darro isla markaana uu dhowaan qabanayo shirka golaha wasiirada dowlada.
 
“Mooshin la saxiixay la ima siin,labo maalmood in lagu mooshin lagu gudbiyo laguna saxiixo,lixdan iyo lix xildhibaana ma aysan codeyn oo waa been abuur.”ayuu yiri Cali Cosoble
 
Sidoo kale waxaa uu sheegay in mooshinka waxba kama jiraanka ah ay ka dambeeyaan guddoomiye ku xigeenka labaad ee hirshabelle Canab Axmed Ciise oo dooneysa in tuulada Jawiil ay degmo noqoto iyo dowlada federalka oo uu ka soo horjeestay mowqifkeeda ku aadan taageerida dowlada Qadar.
Cali Cosoble ayaa ugu baaqay dowlada Soomaaliya iyo Beesha Caalamka in ay il gaar ah ku hayaan xaalada siyaasadeed ee ka taagan Hirshabelle, waxa uuna cadeeyay in uusan aqbaleyn xil ka qaadista lagu sameeyay.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Jowhar ayaa sheegay in ay xilka ka qaadeen Madaxweyne Cali Cosoble, waxa ayna ku eedeeyeen maamul xumo iyo wax qabad la’aan.