Hogaamiye kooxeed labaad oo ka mid noqday Gudigii dib u Eegista Dastuurka Fadaraalka ee loo hanweynaa

Xarunta Aqalka sare ee Baarlamaanka Fadaraalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo gabo gabeeyay doorashada xubintii banaaneyd ee Guddiga dib u eegista Dastuurka ee Labada Aqal, kaddib markii uu xubintaas iska casilay Senator Cabdiraxmaan Faroole.
 
Ilaa afar musharax oo kala ah Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Shukri Aadan, Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex iyo Saciido Xasan Cismaan, ayaa u tartamay kursigan, waxaana wareegga koowaad ku haray, mudanaayasha kala ah Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex iyo Saciido Xasan Cismaan, halka ay wareega labaad u soo gudbeen Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Shukri Aadan Maxamed.
 
Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa ku guuleystay kursiga, kaasi oo uu helay codad dhan 24, halka Shukri Aadan ay heshay 22 cod.
 
Doorashada Fartaag ayaa ah mid dad badan soo dhaweeyeen madaama Gudiga dastuurka Fadaraalka uu Gudoomiye ka noqday Cabdiqaybdiid oo ah Hogaamiye kooxeed xasuuq badan gaystay.
 
Dhanka kale waxaa niyad jab weyn soo gaaray Haweenka oo Doorkoodii Gudiga dib u eegista Dastuurka Fadaraalka uu wali maqan yahay.
 
Shukri Aadan waxay ahayd Gabadha kaliya ee la filayay in ay kasoo dhex muuqato Gudigaas,balse nasiib daro tartankii ay la gashay Fartaag way ku guuldaraysatay,iyadoo looga adkaaday labo cod oo qur ah.
 
Guul darada Shukri ayaa ka dhigan in haweenku aysan door ku lahayn xiligan dib u eegista Dastuurka Fadaraalka,iyagoo ka ah bulshada Somaliyed boqolkiiba Konton in ka badan.
 
Beesha Caalamka ayaa maalmo ka hor war qoraal ah oo ay soo saartay ugu digay Golayaasha Baarlamaanka Fadaraalka doorka Haweenka ee maqan.
 
isku soo wada duuboo Dib u eegista Dastuurka Fadaraalka ayaan khayr badan laga filayn xiligan madaama uu gacanta ugalay barnaamijkaas dad aan ehel u ahayn.