Ma og tahay in Somaliland dhaqaale ku taageertay mucaaradka Kenya!!!

Somaliland ayaa guuldaro kala kulantay damaceedii ahaa in Raila Odinga uu ku dhawaaqo aqoonsi uu siiyo waxa loogu yeero Jamhuuriyada Somaliland.
 
Somaliland ayaa $1 Million oo dolar  ku taageertay mucaaradka Kenya oo ay ka rabtay in ay aqoonsadaan sida hadda ka hor Raila Odinga sheegay.,balse rajadaas waxay soo afmeerantay markii Raila Odinga si weyn loogaga adkaaday Doorashada Madaxtinimo ee Kenya.
 
Somaliland ayaa sidoo kale aad u taageertay ninkii la tartamayey Yuusuf Hassan oo ahaa nin ka tirsanaa Xisbiga Madaxweyne Uhuru. Ninkaas ayaa lagu magacaabaa Johny waxuuna u dhashay beesha Isaaq,balse Nasiib daro waa ku guuldaraystay tartankii doorasho ee uu la galay Yuusuf Xasan.
 
Damacii Somaliland wuu fashilmay waxaana ku dhacday Nasiib daro xoog leh,sidaanoo kale waxay Somaliland hada ka hor heshiis kula gashay Gudoomiyaha Gobolka Qaadka Miirooga Kenya kasoo go’o in uu ka taageero aqoonsi ay ka helaan Dawlada kenya.
 
Dhanka kale waxaa hada bilawday sida aan xogta ku helnay baaris ay Dowladda Kenya ku hayso arrintan,iyadoo la filayo markay baaristan soo idlaato in Dawlada kenya ay talaabo adag ka qaadan doonto.
 
Maamulka Beesha Isaaq ee Somaliland ayaa 26-kii sano ee lasoo dhaafay si xoog leh u baadigoobayay aqoonsi u uhelida gooni isu taaga ay ku dhawaaqeen,balse ilaa iyo hada majirto meel ay soo dhaweyn kaga heleen rabitaankooda.