Sierra Leone: 300 Qof oo ku Geeriyooday Daadad soo rogmaday

Ugu yaraan 300 oo qof ayaa la xaqiijiyey in ay geeriyoodeen, maalin kadib markii caasimadda dalka Sierra Leone ee Freetown ay dabooleen daadad culus iyo dhiiqo, waxaana saraakiisha ay sheegeen in dhimashada ay kordhi karto.
 
Musiibadan oo dhacday xilli hore oo maalintii Isniinta ahayd ayaa ka dhalatay saacado roobab xooggan ah.
 
Goobjoogeyaal ayaa ku qeexay magaalada, gaar ahaan xaafadda sida aadka ah ay dhibaatada u saameysay ee Regent, waddooyin ay buuxiyeen webiyaal dhiiqo ah.
 
Ugu yaraan 2,000 oo qof ayey musiibadan guryo la’aan ku riday.
 
Ehellada ayaa qodaya dhiiqada, ayaga oo raadinaya dadkoodii ay jeclaayeen, ayada oo ciidamada milatarigana la geeyey magaalada si ay uga qeyb galaan holwgalka badbaadinta.
 
Sawirro iyo muuqaalo ay baahiyeen dadka deegaanka ayaa muujinaya dad illaa xabadkooda ay dabooshay dhiiqada oo isku dayaya inay gooyaan waddooyinka.
 
Afhayeen u hadlay hay’adda laanqeyrta cas ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay inay tiriyeen dhimashada ugu yaraan 312 qof.