Video:-Daawo Beesha Leelkase oo kasoo carootay shirkii Garowe kuna dhawaaqday shir u gaar ah

Warmurtiyeedka soo baxay Beesha Tanade Tabashada Awood-qaybsiga PuntlandGarowe
14/08/2017..

Dhismihii Dawlada Puntland ee 1998-dii oo ay ku bahoobeen beelaha dega Mudug, Nugaal,
Bari, Sool, Sanaag iyo Degmada Buudhoodle, goboladaas oo ay ka talinayeen sadexdii urur
ee kala ahaa SSFD, SDNU iyo USP, wakhtigaa oo lagu heshiiyay axdi Qarameed sadex Sanaa
laguna dhisay maamul xal ah ee aan loo qaybsan si xaq ah kaaso ku dhismay sadbursi
beelaha qaar kood iyo tanaasul beelaha qaar kood sida {beesha tanade} sadex sano ka dibna
loo gudbo doorasho qof iyo cod ah taasoo aan dhicin muddo 19 sano ah.

Lagasoo bilaabo xiligaa waxaa jiray cabasho ay ka qabtay beesha tanade awood qaybsiga
maamulka iyo matalaadda golaha wakiilada, iyadoo taa laga duulayo ayaa Isimada,
Siyaasiyiin, Cuqaal iyo waxgaradka beeshu I sugu yimaadeen 2016 Garowe waxay kulamo
gaar gaar ah layeesheen guddoonka golaha wakiilada, Madaxweyna, Madaxweynaha ku
xigeenka, Guddoomiyaha Maxkamadda sare, Madaxweynihii hore ee PL Faroole, Siyaasiyiin,
isimo iyo Ra,iisul wasaarihii hore {Cumar Cabdirishiid}.

Waxaa masuuliyiinta kor kuxusan beeshu kala kulantay garowsho taasoo keentay in
Maxadweynaha PL qaray warqad ku socota Barlamanka PL kuna soo jeediyay in dastuurka
la furo looguna daro beesha tanade matalaada golaha wakiilada ee ka maqan iyo beelo kale
oo aan matalaad ku lahayn baarlamaanka PL.

Nasiib darro waxaa dhacday in 61 xubnood oo ka mid ah Baarlamaanka PL kana soo jeeda
beesha Harti ay uga jawaabeen warqaddaas hab qabiilaysan oo aan waafaqsanayn
dastuurka ,xeer hoosaadka iyo habraaca golaha Wakiilada jawaabtaa oo aan loo marin
golaha baarlamaanka fadhigiisa iyo guddiga joogtada ah midna.

Waxaa beeshu mar labaad ergo isugu timi 1 June, 2017 Garowe ayna ku xaqiijinayso gunta
iyo gunaanadka tabashadeedii looga garaabay soona jiitamaysay 19-ka sano, beeshu waxay
gogol u dhigtay dhammaan Isimada PL waxaana gogoshaa soo ajiibay 17 isim oo qayb ka
mid ah ay kaga soo qayb galeen go’aankoodii oo qoraal ah sida Boqor Burhaan iyo Islaam
Bashiir isimo dalka ka maqnaa waxay soo wakiisheen isamo joogay. Isimadii ka soo qayb
galay Shirkaas waxay aqbaleen garawsadeenna tabashadii beeshu ay u soo jeedisay
waxayna Maxadweynaha ka codsadeen inuu isugu yeero isimada PL 25 July 2017 si loo
xaliyo tabashada beesha Tabade.

Shirkii Isu imaatinka isimada PL waxaa Maxadweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenku fureen
25 July, 2017 waxaana kasoo qaybgalay isimada PL oo dhan, shirkaas oo socday muddo
dhan 10 beri waxay isimada PL gudoomiyeen.

 in Beesha tanade loogu daro goloha wakiilada 4 xubmood iyadoo beesho dalbatay in
loogu daro 15 xubnood,

 in Madaxweyna iyo golahiisa xukuumaddu iyo Golaha Wakiiladu ansixiyaan
guddoonka isimada furaanna dastuurka PL

 in beesha Tanade ku aqbasho Guddoonnka isimada
2
Beesho waxay kulamo gaaargar ah la yeelatay sii loo socodsiiiyo guddoonka isimada
PL sida hoos ku cad;

1. 08/08/2017 Madaxweynaha PL waxayna codsatay kana aqbalay

 Inuu guddoonkii isimada ka ansixinayo golaha xukuumadda

 In uu muddo dheeraad ah ku daro kalfadhiga baarlamaanka oo fadhigiisu dhammad ahaa si loo asixiyo guddoonkii isimada ee tabashada beesha tanade.

2. 09/08/2017 waxay la kulantay beesha Warsangeli xubnaha kaga jira labada gole ee
Xukuumadda iyo Baarlamaanka waxayna ka codsadeen inay ansixiyaan dastuurkana
u furaan guddoonkii isimada waxay beesha tanade uga aqbaleen si sharaf leh.

3. 10/08/2017 waxay la kulantay beesha Dhulbahante xubnaha kaga jira labada gole
ee Xukuumadda iyo Baarlamaanka waxayna ka codsadeen inay ansixiyaan
guddoonkii isimada furaanna dastuurka waxay beesha tanade kala kulantay
aqbalaad iyo soo dhawayn.

4. 11/08/2017 waxay la kulantay beesha Dashiishe xubnaha kaga jira labada gole ee
Xukuumadda iyo Baarlamaanka waxayna ka codsadeen inay ansixiyaan guddoonkii
isimada waxay beesha tanade kala kulantay aqbalaad iyo soo dhawayn.

5. 12 August, 2017 waxay beeshu kulan labaad la qaadatay Madaxweynaha iyagoo ka
codsaday inuu fuliyo balanqaadiisii hore ee ahaa ka ansixinta guddoonkii isimada
golahiisa xukuumadda iyo muddo ku darista kalfadhiga golaha baarlamaanka oo uu
xaq u leeyahay, waxayna beeshu kala kulantay inuu ka baxay balanqaadkiisii hore
uuna xirmay kalkadhigii golaha wakiilada culays kagayimi xildhibaanada beeshiisa
darteed,

isla maalintaa beesha tanade waxay la kulmeen Xubnaha labada gole (wasiirada iyo
xildhibaanada) ee beesha Majeerteen, beesha majeerteen waxay shirkii ka
caddaysay inay kasoo tashadeen guddoonkii isimada ee ku aadanaa u kordhinta
baarlamaanka beesha Tanade ayna soo sameysteen afhayeen waxayna sheegeen;
a. inaysan ogolayn in baarlamaanka PL Tanade loogu daro 4 xubnood

b. waxay si cad ugasoo horjeesteen guddoonkii isimada PL ee xallinta tabashada
tanade sidoo kale waxuu sheegay afhayeenku in isimadii soo guddoonshay
xubnahaas ay tanade lug gooyeen waxna u qaban karin.

c. waxay dureen beelihii ay golayaashoodu aqbaleen guddoonkii isimada PL
haddaba beesha tanade markay aragtay;

 In dulmiga awood qaybsi ee PL uu yahay mid qoto dheer kuna salaysan hab
qabiilaya.

 in xalintii tabashada beesha tanade iyo go’aankii isamada Pl ay hortaagan
yihiin dhamman siyaasiyiinta beesha Majeerteen.

 In dastuurka PL iyo dhammaan nidaamkii dowliga ahaa uu u afduuban yahay
siyaasiyiinta beesha majeerteen.

3
 Markay u caddaatay inuu ka socon la yahay nidaamkii hal qof iyo hal cod
beesha majeerteen ujeedkeeduna yahay inay ku taraysato kursiga
madaxweyhana iyo ku tagrifalka awoodaha dalka.

 Markay u caddaatay in Dastuurka PL hal beel ay ku ilaashato danaheeda lana
dhumiyay danihii dalka iyo beelaha kale lana furo marka beesha Majeerteen
danteedu gasho oo keliya.

Go’aanka Beesha Tanade iyadoo ka duulaysa dulmiga iyo caddalad darada ka jirta Puntland ee 20 sano jirsatay
waxay beeshu go’aansatay;

1. In beesha Tanade Daarood ka tashato masiirkeeda mustaqbal

2. In beesha Tanade shirweyne isugu timaado Magaalada Gaalkacayo 30 beri gudohood
laga bilaabo taariikh go’aankaan.

3. Sidoo kale beeshu waxay u garaabaysaa dhammaan beelaha ku dulman Puntland iyo
kuwa aan ku lahayn matalaada Golaha wakiilada loona awood sheegtay
Mahadcelin.

1. Mahad Dhammaanteed waxaa leh Alihii lahaa Koonkan,

2. Beesha Tanade Daarood waxay u mahadcelinaysaa dhammaan Isimadii sharafta
lahaa soona ajiibay wakhtiga dheerna geliyay gogashayadii kana soo saaray
guddoonka xillinta tabashada beesha Tanade,

3. Sidoo kale waxaan u mahadcelinnaynaa Isimadii wakhtigu u saamixi waayay ee
kagasoo qayb galay qoraalkii garowshaha lahaa (sida Isimada beesha Dhulbahante ee
Muqdisho joogay) iyo kuwii wakaaladda soo samaystay.

4. waxaan u mahadcelinaynaa Siyaasiyiinta labada gole ee Puntland (xildhibaanada iyo
Wasiirada) ee Beelaha Warsangeli, Dhulbahante iyo Dishiishe ee balan qaaday inay
ansixiyaan guddoonkii isimada kana garaabay dulmiga ay tirsatay beesha tanade ee
awood qaybsiga Puntland.

Liiska Ergada beesha Tanade ee Tabashada Awood qaybsiga Puntland
1. Suldaan Maxamed Jaamac Shire _______________________________________________
2. Suldaan Subayr X Maxamuud Cali______________________________________________
3. Garaad Cali Diini ________________________________________________________________
4. Ugaas Maxamuud Shoole _______________________________________________________
5. Caaqil Maxamed Axmed Faarax afjabay _______________________________________
6. Nabaddoon Aadan Warsame Cismaan _________________________________________
7. Caaqil Maxamuud Gaarcad ______________________________________________________
8. Nabaddoon Saciid Faarax Nuux (Garas)_______________________________________
4
9. Nabaddoon Maxamed Cabdi Kuus ______________________________________________
10. Nabaddoon Bashiir Cali isaxaaq ________________________________________________
11. Nabaddoon Jaamac Cabdi Gaawe (Basbaas) ___________________________________
12. Nabaddoon Maxamed Guuleed Muuse (Garcase)______________________________
13. Nabaddoon Axmed-nuur Sheekh Xasan Nuux _________________________________
14. Nabaddoon C/Laahi Orhaye ____________________________________________________
15. Nabaddoon Cabdi faarax Gaadakeen ____________________________________________
16. Nabaddoon Mxamuud Geeleeye (Maygaaag) ___________________________________
17. Nabadoon C/Laahi Cilmi Gaadane _______________________________________________
18. Nabaddoon Siciid Jaamac Roorshe ______________________________________________
19. Nabadoon Khaliif Faarax Nuux Kilic _____________________________________________
20. Nabaddoon Cabdinuur Oogaroor _______________________________________________
21. Nabaddoon Cabdi Dacar Diini ____________________________________________________
22. Nabaddoon Abshir Ahmed Maxamed ___________________________________________
23. Nabaddoon Cabdi Maxamed Yuusuf _____________________________________________
24. Caaqil Cabbaas Xaaji Maxamuud Cali ___________________________________________
25. Caaqil Maxamuud Maxamed Jaamac Qayqay ___________________________________
26. Caaqil Cabdinaasir Cigaal Faracade _____________________________________________
27. Sheekh Xaaji Sayid Cali ___________________________________________________________
28. Sheekh Xuseen Aw Maxamed ____________________________________________________
29. Aqoonyahan C/Qaadir Nuur Cali Dheere ________________________________________
30. Aqoonyahan Saleebaan Maxamuud Siciid Dhoodi ______________________________
31. Aqoonyahan Maxamuud C/Lahi Cali Siigo _______________________________________
32. Eng. Maxamed C/lahi Adan Seed _________________________________________________
33. Eng Mukhtaar C/rizaaq X. Yuusuf ________________________________________________
34. Aqoonyahan C?raxman Jamaac Xaashi ___________________________________________
35. Dr. Xaashi Xirsi Muuse _____________________________________________________________
36. Aqoonyahan Maxamed Cismaan Yuusuf __________________________________________
37. Aqoonyahan Cabdilahi Xusseen Xasan ____________________________________________
38. Abwaan Cabdilahi Cawad (Abdwaad Cawgale)___________________________________
39. Sheekh Cabdiqadir Salaad __________________________________________________________

Allaa Mahad leh.

 

Hoos ka daawo muuqaalka shirka jaraa’id.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka