Video:-Mukhtaar Rooboow oo si rasmiya u sheegay in uu ka baxay Alshabaab

Hoggaamiye ku xigeenkii hore ee ururka Al-Shabab Mukhtaar Roobow Abu Mansuur ayaa sheegay inuu si rasmi ah uga baxay ururka Al-Shabab.

Roobow oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, waxa uu sheegay inuu Al-Shabab uu hore uga baxay shan sano iyo toddoba bilood ka hor.

Waxa uu sheegay inuu xilligaas ku jiray kaynta, halkaasi oo uu sheegay inay Al-Shabab kusoo weerareen toddobaakdii hore. Roobow waxa uu sheegay in ujeeddada weerarka ay ahayd in lagu dilo.

Roobow waxa uu uu mahad celiyey dawladda federaalka Soomaaliya iyo saaxiibadeedaa caalamka.

Mukhtaar Roobow ayaa caddeeyey inuu wadahadallo la billaabay dawladda Soomaaliya, isla markaana uu ka rajo qabo inay miro dhalaan, oo ay ka gaaraan nabad waarta oo ka dhacda Soomaaliya.

Roobow ayaa Axaddii isku soo dhiibay mas’uuliyiinta dawladda kadib makrii uu sannado ku jiray kaymaha.hoos ka daawo muuqaalka shirka jaraaid ee Rooboow.

 

 

 

 

Halkan ka akhriso warmurtiyeedka:-

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka