Video:-Saraakiil kale oo Alshabaab ah oo wada xaajood la furay D.Fadaraalka isa soo dhiibitaankii Mukhtaar Rooboow kadib

Isa soo dhiibkii Afhayeenkii hore ee Alshabaab Mukhtaar Rooboow ee Dawlada Fadaraalka kadib waxaa soo baxaya warar sheegaya in saraakiil kale oo muhiim ah oo ka tirsan Alshabaab ay wada xaajood la fureen dawlada Fadaraalka.

Saraakiishan oo aan ilaa iyo hada la shaacin magacyadooda ayaa wararka hoose waxay sheegayaan in maalmaha soo socda ay Dawlada isku soo dhiibi doonaan hadii ay guulaystaan wada hadalka ay la fureen Dawlada.

Dhanka kale Mukhtaar Rooboow ayaan ilaa iyo hada saxaafada soo hor istaagin si rasmiayna u shaacin mawqifkiisa ku aadan Alshabaab xiligan,waxaana la filayaa in uu saamayn ku yeelan doono shaacinta goonka Mukhtaar Rooboow ee ku aadan Alshabaab saraakiisha kale ee  Alshabaab ka tirsan lana filayo in ay isa soo dhiibaan,hoos ka daawo muuqaalka  falanqayn arintaas ku aadan oo Tv-ga Afsomaliga ku hadla ee Universal sameeyay.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka