Puntland oo si cad ugarab istaagtay Xulufada Sacuudiga kana hor timid Dawlada Fadaraalka

Dawlada Puntland ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in ay go’aansadeen in ay la jirsatay Sacuudiga iyo Imaaraadka, iyagoo ku taageeraya muranka kala dhaxeeya dalka Qadar.
 
Warkan oo kasoo baxay Madaxtooyada Puntland,ayaa nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay idilNews,ayaa waxaa lagu yiri.
 
“Waxaanu garowsanay in mushkiladda ka taagan Khaliijka Carabta aanu xalkeeda dhoweyn, saameyn dhinaca amniga iyo dhaqaalaha ahna ay ku yeelan karto Somaliya,sidaa daraadeedna ay Puntland aaminsantahay in mowqifkeeda uu cadyahay oo ay ku mowqif tahay saaxibadeeda Sacuudiga iyo Imaaraadka”
 
Puntland ayaa u sababeysay go’aankan in muddo dheer ay iskaashi dhinaca dhaqaalaha, ammaanka iyo horumarinta ah la laheyd Sacuudiga iyo Imaaraadka.
 
Qoraalkan ayaa lagu yiri in Puntland ay ku boorineyso dowladda fadaraalka ah inay beddesho mowqifkii dhexdhexaadnimo ee ay ka qaadatay murankan, kaasoo baa lagu yiri qoraalka “haddii aan la beddelin saameyn fog ayuu ku yeelan kara shacabka Soomaaliyeed.”
 
Puntland ayay muhiim lama taabtaan ah u tahay xiriirka Imaaraadka iyo Sacuudiga,waxaana ku xiran nolosha shacabka iyo nidaamkeeda dawliga ah.
 
Hadaba hadaan wax ka tilmaano arimaha lama taabtaanka u ah Puntland ee aysan uga maarmin xiriirka Imaaraadka iyo Sacauudiga ayaa waxaa ka mid ah:-
 
 
1. Puntland sanadkii waxaa ka dhoofa xoolo dhowr million ah oo u dhoofa Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar.
 
2. Dowladda Imaaraadka waxay Puntland ka wadaa mashruuca maalin gashiga ugu weyn geeska Africa oo lagu qiyaasay $400 million oo Dollar
 
3. Waxaa PL laga taageeraa dhinaca amniga ciidan dhan 3000 askari oo leg qalab ciidan sida Gadiid, Maraakiib iyo Diyaarado.
 
4. PL waxay isku dayday in Dowladda Dhexe arrintan wax ka qabato muddo 2 bilood ah
 
5. Puntland waxay weydiisatay in aan Ganacsiga Soomaalida la xakameyn sida Xawaaladaha, Bankiyada gaarka loo leeyahay iyo mashaariicda Soomaliya ka socota.
 
6. Puntland waxay u aragtaa waddamada Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar in ay Soomaliya u yihiin muhiim. Gaar ahaan wakhtiga xasaasiga ah ee waddamada carabta iyo Islaamku ku jiraan.
 
 
Halkan hoose ka akhriso warka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland”