Qaraxyo ismiidaamin ah dad badana ay ku geeriyoodeen oo ka dhacay Nigeria

Haweeney is-miidaamisay ayaa isku qarxisay, islamarkaana 27 qof oo kale ku dishay suuq ku yaalla waqooyiga bari ee dalka Nigeria, goor dambe oo talaadadii ahayd, sida ay sheegeen saraakiil deegaanka ah.
 
Laba is-miidaamiyeyaal kale ahaa, ayaa iyagana isku qarxiyey albaabka xero qaxooti, halkaasi oo tobaneeyo qof oo kale ay ku dhaawacmeen.
 
Guud ahaan, 83 qof ayaa ku dhaawacmay saddexda qarax oo ka dhacay meel ku dhow magaalada Maiduguri, oo xarun u ah dagaalka dowladda Nigeria ay kula jirto kooxda Boko Xaram.
 
Milatariga Nigeria ayaa sheegay inay dhul badan sanaddii tagtay ka qabsadeen Boko Xaram, hase yeeshee kooxdan ayaa dib usoo laba kaclaysay, ayaga oo tan iyo bishii June dilay 143 qof.
 
Kooxdan ayaa dalka Nigeria ka wadda dagaal socda sideed sano oo ay doonayaan inay khilaafad Islaami ah uga abuuraan waqooyiga bari ee dalka Nigeria.
 
Dagaalka muqaawamada ee kooxda Boko Xaram ay waddo ayaa waxaa ku dhintay 20,000 qof, islamarkaana ku barakacay 2.7 milyan oo kale, sideeddii sano ee lasoo dhaafay.