Baarlamaanka Koonfur-Galbeed oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Golihii Wasiirada ee cusbaa

Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ansixiyay Golaha Wasiirada oo uu dhawaan soo magacaabay Madaxweynaha Maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka codsaday Xildhibaanada in ay codka kalsoonida ah ay siiyan Wasiirada, si ay u qabtaan adeegyada ay bulshada ka sugayaan.

Ilaa 112 mudane ayaa ogolaatay, 5 mudane  waa ay diiday halka 6 kalena ay ka aamuseen, sidaasi dareedeed Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay ansax yihiin golaha Wasiirada.

Kulanka waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa sheegay in wixii maanta ka bilowda ay Golahaasi Wasiirada qabsan karaan waajibaadka ka saaran u adeegidda shacabka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa dhawaan waxaa uu isku shaandheyn ku sameeyey Golaha Wasiirada, kaddib markii ay soo baxeen baahi loo qabo wax ka bedelka qaab dhismeedka Golaha Wasiirada.