Dhagayso:-Madaxweyne Gaas”Dawlada Fadaraalka waa in ay ka laabataa go’aanka dhexdhexaadnimada ee arimaha Carabta”

Madaxweynaha Dawlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta waraysi uu bixiyay waxuu si faahfaahsan uga hadlay go’aanka ay Dawlada Puntland xiriirka ugu jartay Dawlada Qadar,isla markaana ay ku garab istaagtay xulafada Sacuudiga.
 
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in danaha istaraatijyadeed ee Puntland kala dhaxeeyay Sacuudiga iyo Emiraatka uu ku qasbay in maamulkiisu uu la safto dalalkaasi.
 
Gaas, oo wareysi siiyey laanta Afka Somaliga ee VOA, ayaa dowladda Dawlada Fadaraalka ugu baaqay in ay ka noqoto go’aanka dhex-dhexaadnimada ah ee ay ka qaadatay xiisadda ka taagan Khaliijka.
 
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in Puntland ay dowladda dhexe uga danbeyso go’aamada arrimaha dibedda ee ay xaq u leedahay, balse wuxuu sheegay in dastuurku uu dhigayo in arrimaha qaarkood laga wada tashto,hoos ka dhagayso codka Madaxweynaha.

 

 

 

 

Halkan ka dhagayso codka Madaxweynaha